Turkiga oo soo bandhigay qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo ciidanka…
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaal lagu xoojinayo ciidamada badda Soomaaliya iyo sugidda amniga xeebaha iyada oo loo marayo xarumo milatari cusub iyo iskaashi ballaaran oo lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Rear Admiral Zeki Aktürk, oo Khamiistii shir jaraa’id oo toddobaadle ah ku qabtay magaalada Ankara, ayaa sheegay in mashaariicdani ay qeyb ka yihiin Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee u dhaxeeya labada dal.
- Sida ku cad heshiiskan, Ankara waxay Soomaaliya ka taageereysaa ilaalinta xeebaheeda, biyaha gudaha, iyo aagagga badeed si looga hortago khataraha amni ee ay ka midka yihiin argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo tahriibka.
- Iskaashigan wuxuu sidoo kale daboolayaa tababarka iyo dhismaha awoodda ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena laga shaqeynayo sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd kheyraadkeeda badda.
- “Xarumaha ciidanka badda ee dhagax-dhiggooda la sameeyay waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga badda iyo kaabayaasha milatari ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
- Waxa weli aan caddayn
- Mas'uuliyadaha gaarka ah ee Turkiga ee xarumahan cusub maxay noqon doonaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Turkiga ayaa mar kale xaqiijiyay inay ka go’an tahay xoojinta ciidamada badda Soomaaliya iyo sugidda amniga xeebaha.
- Xarumaha milatari cusub ayaa laga dhisayo Soomaaliya iyadoo qayb ka ah heshiis iskaashi difaac.
- Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa ku celisay inay sii wadi doonto bixinta tababarrada milatari, qalabeynta, iyo taageerada farsamo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay xoojinta ciidamada badda Soomaaliya iyo sugidda amniga xeebaha, iyadoo soo bandhigtay qorshayaal lagu dhisayo xarumo milatari oo cusub, isla markaana lagu ballaarinayo iskaashiga lagula dagaallamayo burcad-badeedda, argagixisada, iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Rear Admiral Zeki Aktürk, oo Khamiistii shir jaraa’id oo toddobaadle ah ku qabtay magaalada Ankara, ayaa sheegay in mashaariicdani ay qeyb ka yihiin Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee u dhaxeeya labada dal.
Sida ku cad heshiiskan, Ankara waxay Soomaaliya ka taageereysaa ilaalinta xeebaheeda, biyaha gudaha, iyo aagagga badeed si looga hortago khataraha amni ee ay ka midka yihiin argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo tahriibka.
Iskaashigan wuxuu sidoo kale daboolayaa tababarka iyo dhismaha awoodda ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena laga shaqeynayo sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd kheyraadkeeda badda.
“Xarumaha ciidanka badda ee dhagax-dhiggooda la sameeyay waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga badda iyo kaabayaasha milatari ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
Xarumaha cusub ee laga dhisayo Muqdisho
Mashruucan cusub wuxuu ka kooban yahay dhismaha talis cusub oo ay yeeshaan ciidamada badda, Xarunta Isku-duwidda Howlgallada Badda, iyo goobo loogu talagalay maraakiibta iyo gaadiidka oo laga dhisayo Xerada Barbaros, halkaasoo ay ka howlgalaan ciidamada badda ee Turkiga.
Xarumahan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo hoggaanka ciidanka badda Soomaaliya, awooddooda howlgal, iyo inay si buuxda u difaacaan biyaha dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Ankara ayaa xustay inay weli wada-hadallo kula jirto mas’uuliyiinta Soomaaliya kuwaasoo ku saabsan baaxadda xarumahan, waqtiga la dhammeystirayo, iyo mas’uuliyadaha gaarka ah ee Turkiga.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi difaac iyo dhaqaale oo soconaya 10 sano, kaasoo ballaariyay doorka Ankara ee horumarinta awoodda amniga badda ee Soomaaliya iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluunka iyo badda.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa ku celisay inay sii wadi doonto bixinta tababarrada milatari, qalabeynta, iyo taageerada farsamo xilli Soomaaliya ay dib u dhiseyso hay’adaheeda amniga.
“Turkigu wuxuu sii wadi doonaa inuu Soomaaliya ka taageero horumarinta awoodda ay ku xaqiijin karto amnigeeda, xasilloonideeda, iyo horumarkeeda dhaqaale,” ayay wasaaraddu tiri.
Hadalka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa ku soo aaday iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhawaan carrabka ku adkeeyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee ay leedahay ilaalinta xeebaha dheer ee Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay amniga gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah.
“Amnigeennu wuxuu ku xiran yahay ilaalinta biyaheenna. Amniga Afrika iyo Geeska Afrika wuxuu ku xiran yahay ilaalinta biyaheenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo intaas ku daray in amniga caalamka, ganacsiga, iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ay sidoo kale ku tiirsan yihiin badqabka biyaha Soomaaliya.
Madaxweynaha oo la hadlayay saraakiisha ciidamada badda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay khasaaraha dhaqaale iyo midka deegaan ee dalka ka soo gaaray kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo boobka kheyraadka badda muddo tobannaan sano ah oo uusan jirin ciidan bad oo awood leh, isagoo ku boorriyay inay u diyaar-garoobaan mas’uuliyado ka ballaaran kuwii hore si ay u ilaaliyaan biyaha dalka iyo marinnada maraakiibta ee gobolka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaal lagu xoojinayo ciidamada badda Soomaaliya iyo sugidda amniga xeebaha iyada oo loo marayo xarumo milatari cusub iyo iskaashi ballaaran oo lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.
Qodobada muhiimka ah
- Turkiga ayaa mar kale xaqiijiyay inay ka go’an tahay xoojinta ciidamada badda Soomaaliya iyo sugidda amniga xeebaha.
- Xarumaha milatari cusub ayaa laga dhisayo Soomaaliya iyadoo qayb ka ah heshiis iskaashi difaac.
- Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa ku celisay inay sii wadi doonto bixinta tababarrada milatari, qalabeynta, iyo taageerada farsamo.
- Ankara ayaa xustay inay weli wada-hadallo kula jirto mas’uuliyiinta Soomaaliya kuwaasoo ku saabsan baaxadda xarumahan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo la bixiyay oo ku saabsan eedeymaha ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid mas'uuliyiinta Soomaaliya ee ku saabsan heshiisyada.
Gunaanadka akhristaha
Turkiga wuxuu si firfircoon u shaqeynayaa si loo xoojiyo awoodda ciidamada badda Soomaaliya iyo amniga xeebaha iyada oo loo marayo iskaashi milatari.
Waxa weli aan caddayn
- Mas'uuliyadaha gaarka ah ee Turkiga ee xarumahan cusub maxay noqon doonaan?
- Waqtiga la dhammeystirayo mashaariicdan maxay tahay?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga lagula dagaallamayo kalluumeysiga sharci-darrada ah?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · badda · soo · turkiga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada