Uganda oo billowday in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kadib 20 sano
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiUganda ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb qaadanayeen howlgallada milatari ee Midowga Afrika, sida uu sheegay Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Muhoozi ayaa qoraal uu 29-ka Oktoobar ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen inay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliyeed.
- “Sidii aan ballanqaadnay, waxaan billownay inaan ciidamada UPDF kala baxno Soomaaliya.
- Qoraalkiisa kuma uusan faahfaahin tirada ciidamada baxaya, goobaha ay ka baxayaan iyo jadwalka lagu fulinayo wejigan bixitaanka.
- Culeyska dhaqaale ee howlgalka Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo dhaqaale-yaraan iyo hubanti la’aan ku saabsan taageerada caalamiga ah ee uu ku tiirsan yahay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Jadwalkee gaara ah ayaa Uganda raacaysa si ay ciidamadeeda uga baxdo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Uganda ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb qaadanayeen howlgallada milatari ee Midowga Afrika.
- Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen inay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliyeed.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in bixitaanka uu ku soo beegmayo iyadoo howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo dhaqaale-yaraan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb qaadanayeen howlgallada milatari ee Midowga Afrika, sida uu Khamiista sheegay taliyaha ciidamada dalkaas, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.
Muhoozi ayaa qoraal uu 29-ka Oktoobar ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen inay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliyeed.
“Sidii aan ballanqaadnay, waxaan billownay inaan ciidamada UPDF kala baxno Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig badan uu daatay, naf-hurnimana la sameeyey, waxaan amniga ku wareejineynaa walaalaheenna Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
Qoraalkiisa kuma uusan faahfaahin tirada ciidamada baxaya, goobaha ay ka baxayaan iyo jadwalka lagu fulinayo wejigan bixitaanka.
Culeyska dhaqaale ee howlgalka
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo dhaqaale-yaraan iyo hubanti la’aan ku saabsan taageerada caalamiga ah ee uu ku tiirsan yahay.
Mareykanku ayaa bishii Luulyo ku wargeliyey Midowga Afrika inuusan taageeri doonin cusboonaysiinta muddada howlgalka marka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu arrintaas ka doodayo bisha December.
Sidoo kale, Muhoozi ayaa kulamadii milatari ee ka horreeyey shirkii Kampala ee bishii Luulyo sheegay in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu taageeradiisa dhimay boqolkiiba 25, taas oo saameysay awoodda howlgallada ciidamada.
Muhoozi ayaa xilligaas madaxda ciidamada gobolka ugu baaqay inay la jaanqaadaan kheyraadka sii yaraanaya, isla markaana diyaariyaan hannaan ay dalalka Afrika ku sii wadi karaan howlgalka.
“Kuwani waa duruufo adag, balse waxay sidoo kale naga dalbanayaan midnimo, hal-abuur iyo go’aan adag,” ayuu u sheegay taliyeyaasha ciidamada dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in mustaqbalka howlgalka iyo ilaalinta horumarkii laga gaaray Soomaaliya ay ku xiran yihiin tayada go’aannada ay madaxda milatarigu qaataan xilligan.
Ballanqaadkii Yoweri Museveni
Inkasta oo walaaca dhaqaale uu sii xoogeysanayey, haddana madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hore u sheegay in dalalka Afrika aysan Soomaaliya ka tagi doonin haddii saaxiibbada caalamiga ahi joojiyaan taageeradooda.
Isagoo 31-kii Luulyo 2026 ka hadlayey shirkii madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, oo lagu qabtay Speke Resort Munyonyo ee Kampala, ayuu ku adkeystay in Afrika ay leedahay awood ay wax uga qabato caqabadaha amni ee ka jira qaaradda.
“Haddii beesha caalamku doonayso inay baxdo, ha baxdo. Dhibaatooyinkii aan halkan ku xallinnay, waxaan xallinnay annaga oo aan taageeradooda haysan. Waxaan taageero ka helnay walaalaheenna,” ayuu yiri Museveni.
“Soomaaliya lagama tegi doono. Awood ayaan leenahay. Haddii kuwa kale baxaan iyo haddii kaleba, waan garab taagnaan doonnaa.”
Museveni ayaa sidoo kale difaacay go’aankii Uganda ay ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya sannadkii 2007, isagoo sheegay inuu ku dhisnaa mabda’ iyo istaraatiijiyad la xiriirta amniga gobolka. Wuxuu taageerada Itoobiya ku tilmaamay sabab kale oo dalkiisa ku dhalisay inuu ku biiro howlgalka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa isla shirkii Luulyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyey in ururku sii wadi doono raadinta taageerada uu howlgalka u baahan yahay.
“Waxaan doonayaa inaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya u xaqiijiyo in guddigu sii wadi doono abaabulka dhammaan taageerada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah guusha howlgalka,” ayuu yiri.
Dhanka Soomaaliya, taliyaha ciidamada xoogga dalka ee xilliga shirkaas, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uga mahadceliyey naf-hurnimadii ay muddada dheer sameeyeen.
Madaxa qeybta howlgallada nabadda ee Midowga Afrika, Sarreeye Guuto Cheick Dembele, ayaa isaguna ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga Afrika inta la dhisayo hay’ado amni oo Soomaaliyeed oo awood u leh inay nabadda ilaaliyaan.
Uganda ayaa sannadkii 2007 noqotay dalkii ugu horreeyey ee ciidamo u dira Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ahaa howlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada Uganda ayaa tan iyo markaas ciidamada Soomaaliyeed kala qeyb qaatay dagaallada Al-Shabaab, la wareegidda deegaanno muhiim ah iyo ilaalinta xarumaha dowladda.
AMISOM waxaa sannadkii 2022 beddelay ATMIS, kaas oo isna uu 1-dii Janaayo 2025 beddelay AUSSOM. Howlgalka hadda jira ayaa diiradda saaraya taageeridda ciidamada Soomaaliyeed, xasillinta dalka iyo in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Uganda ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb qaadanayeen howlgallada milatari ee Midowga Afrika, sida uu sheegay Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.
Qodobada muhiimka ah
- Uganda ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb qaadanayeen howlgallada milatari ee Midowga Afrika.
- Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in ciidamadiisu ay bilaabeen inay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliyeed.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in bixitaanka uu ku soo beegmayo iyadoo howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo dhaqaale-yaraan.
- Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hore u sheegay in dalalka Afrika aysan Soomaaliya ka tagi doonin haddii saaxiibbada caalamiga ahi joojiyaan taageeradooda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan tirada ciidamada baxaya, goobaha ay ka baxayaan, ama jadwalka bixitaanka.
- Eedeymaha la xiriira culeyska dhaqaale iyo taageerada caalamiga ah waxaa lagu sheegay hadallo ay mas'uuliyiin sameeyeen, laakiin ma jiraan xaqiijin madax-bannaan.
- Lama hubo in ay jiraan jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama ay saameyn ku yeelan doonaan bixitaanka.
Gunaanadka akhristaha
Bixitaanka Uganda ee Soomaaliya wuxuu calaamad u yahay isbeddel weyn oo ku yimaada xaaladaha amniga gobolka ka dib labaatan sano oo ka mid ah ka qeybgalka milatari.
Waxa weli aan caddayn
- Jadwalkee gaara ah ayaa Uganda raacaysa si ay ciidamadeeda uga baxdo?
- Sidee ayuu bixitaanku u saameyn doonaa xaaladda amni ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo hubiyo in mas'uuliyadaha amniga si habsami leh loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sano · kala · baxdo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada