Waa sidee xaaladda Baydhaba kadib dagaalkii saaka?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiXaaladda magaalada Baydhabo ayaa degan saacado kadib markii uu dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xaaladda amni ay hadda ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd xilligii uu dagaalku socday, iyadoo dhaq-dhaqaaqa shacabka uu si tartiib ah dib ugu soo laabanayo.
- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo isugu jira militariga iyo booliiska iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgallo xaqiijin amni ah wada, waxaana sidoo kale nawaaxiga magaalada lagu arkayaa ciidamada tiro badan.
- Goobaha muhiimka ah ee magaalada ayaa weli lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga kadib iska horimaadkii dhacay saaka.
- Dadka magaalada ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan goobahooda shaqo iyo hawlahooda maalinlaha ah, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxda dhinacyada amniga oo ku saabsan dagaalkii dhacay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay tirada rasmiga ah ee khasaaraha dagaalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa degan saacado kadib markii uu magaalada ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen.
- Dagaalka ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, hase yeeshee tirada rasmiga ah ee khasaaraha weli lama xaqiijin.
- Wasiirka Gaashaandhigga ay sheegtay in ciidamadu ay jab culus gaarsiiyeen ragga weerarka soo qaaday oo ay tilmaamtay inay ahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa Lafta-gareen ee isku milmay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhabo (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa degan saacado kadib markii uu magaalada ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen.
Dagaalka ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, hase yeeshee tirada rasmiga ah ee khasaaraha weli lama xaqiijin.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xaaladda amni ay hadda ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd xilligii uu dagaalku socday, iyadoo dhaq-dhaqaaqa shacabka uu si tartiib ah dib ugu soo laabanayo.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo isugu jira militariga iyo booliiska iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgallo xaqiijin amni ah wada, waxaana sidoo kale nawaaxiga magaalada lagu arkayaa ciidamada tiro badan.
Goobaha muhiimka ah ee magaalada ayaa weli lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga kadib iska horimaadkii dhacay saaka.
Dadka magaalada ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan goobahooda shaqo iyo hawlahooda maalinlaha ah, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxda dhinacyada amniga oo ku saabsan dagaalkii dhacay.
Inkasta oo xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, haddana waxaa laga cabsi qabaa in mar kale uu qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dagaalka maanta ayaa waxaa guullo ka sheegtay dowladda, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga ay sheegtay in ciidamadu ay jab culus gaarsiiyeen ragga weerarka soo qaaday oo ay tilmaamtay inay ahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa Lafta-gareen ee isku milmay, iyadoo soo bandhigtay maydadka xubno la dilay inta uu socday dagaalka.
Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay in ciidamadu ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, isla markaana ay si buuxda ay gacanta ugu hayaan magaalada Baydhaba.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dagaalka Baydhaba ayaa sheegay in la jabiyay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, isaga oo boggaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Birmadka ee maamulka Koonfur Galbeed.
“Mataanihii Argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin oo qoraal kooban ku daabacay battiisa Facebook.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa degan saacado kadib markii uu dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen.
Qodobada muhiimka ah
- Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa degan saacado kadib markii uu magaalada ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan Lafta-gareen.
- Dagaalka ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, hase yeeshee tirada rasmiga ah ee khasaaraha weli lama xaqiijin.
- Wasiirka Gaashaandhigga ay sheegtay in ciidamadu ay jab culus gaarsiiyeen ragga weerarka soo qaaday oo ay tilmaamtay inay ahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa Lafta-gareen ee isku milmay.
- Wasiir Axmed Macallin oo qoraal kooban ku daabacay battiisa Facebook.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
- Maqaalku ma soo bandhigayaa jawaabaha dhinaca lidka ah.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid mas'uuliyiinta dowladda.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Baydhabo ayaa hadda deggan ka dib dagaal, hase yeeshee weli waxaa jira walaac ku saabsan suurtagalnimada rabshado mustaqbalka.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay tirada rasmiga ah ee khasaaraha dagaalka?
- Waa maxay tallaabooyinka la qaadi doono si looga hortago iska horimaadyo kale?
- Sidee bulshada deegaanka loogu taageeri doonaa ka dib?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xaaladda · baydhaba · sidee
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada