Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Waqooyi Bari oo soo bandhigtay 5 nin oo loo haysto kufsi wadareed + Magacyada

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo loo haysto inay geysteen kufsi wadareed, halka nin lixaad oo lala xiriirinayo falkaasi uu weli baxsad yahay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka. Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa yimid kadib baaritaanno ay sameeyeen laamaha ammaanka, kuwaas oo la […] The post

SO
Waqooyi Bari oo soo bandhigtay 5 nin oo loo haysto kufsi wadareed + Magacyada
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo loo haysto inay geysteen kufsi wadareed, halka nin lixaad oo lala xiriirinayo falkaasi uu weli baxsad yahay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa yimid kadib baaritaanno ay sameeyeen laamaha ammaanka, kuwaas oo la xiriiray dhacdada kufsiga ah oo Laascaanood ka dhacday 23-kii bishan May, kadib markii kufsi wadareed loo gaystay gabar kasoo jeeda deegaanka.

“Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Sool, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta ammaanka, badqabka bulshada iyo sugidda caddaaladda, ayaa ku guulaystay dabagal ay ku sameeyeen fal-danbiyeed kufsi ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 23 May 2026.

Howlgalkaasi kadib, Ciidanka Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen shan (5) eedaysane oo loo haysto kiiskaasi, halka hal eedaysane oo kale uu weli baxsad yahay, isla markaana ay ku raadjoogaan laamaha ammaanku,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralbarininwaqooyi
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.