Wasiir Cali Balcad oo diiday inuu Soomaaliya ka difaaco Trump: Waxaan ahay Mareykan
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Wasiir Cali Balcad ayaa ka gaabsaday inuu dhaliilo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib hadalladiisa ku saabsan Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu yahay muwaadin Mareykan ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasiir Cali Balcad oo wareysi siiyay barnaamijka Talk to Al Jazeera ee ka baxa telefishinka Al Jazeera English, kaas oo la baahiyay dhammaadkii toddobaadkan, ayaa la weydiiyay in isaga iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka xumaadeen hadallada xanafta leh ee uu Trump si joogto ah ugu jeediyo Soomaalida iyo dalkooda.
- Wariyaha wareysiga qaadayay ayaa soo xigtay hadallo uu horay u yiri Trump—oo ay ku jiraan kuwii uu ka jeediyay kulan golaha wasiirrada Mareykanku yeesheen bishii December 2025—halkaas oo uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ku tilmaamay “qashin”, kuna dooday inaysan waxba ku soo kordhin Mareykanka, isla markaana uusan dalkiisa ka rabin.
- Hadalladaas ayaa xilligaas caro iyo cambaareyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaali-Mareykanka, oo ku eedeeyay inuu si aan caddaalad ahayn u bartilmaameedsanayo bulsho soo-galooti ah.
- ‘Waxaan ahay Mareykan’ Halkii uu si toos ah uga hadli lahaa hadalladaas, Wasiir Cali Balcad wuxuu ku dooday dhalashadiisa Mareykanka iyo sharciyadda doorasho ee Madaxweyne Trump.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto si ay uga jawaabto hadallada Trump?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasiir Cali Balcad ayaa ka gaabsaday inuu dhaliilo ama u jawaabo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib hadallo uu Trump ku weeraray Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
- Cali Balcad wuxuu sheegay in isaga sidoo kale uu yahay muwaadin Mareykan ah, ayna tahay in uusan ka jawaabi doonin hadallada Trump.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Soomaaliya ay weli wajahaysa caqabado amni oo waaweyn, gaar ahaan kuwa kaga imaanaya kooxda Al-Shabaab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa ka gaabsaday inuu dhaliilo ama u jawaabo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaddib hadallo meel-ka-dhac ah oo uu Trump horay ugu weeraray Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.
Wasiir Cali Balcad oo wareysi siiyay barnaamijka Talk to Al Jazeera ee ka baxa telefishinka Al Jazeera English, kaas oo la baahiyay dhammaadkii toddobaadkan, ayaa la weydiiyay in isaga iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka xumaadeen hadallada xanafta leh ee uu Trump si joogto ah ugu jeediyo Soomaalida iyo dalkooda.
Wariyaha wareysiga qaadayay ayaa soo xigtay hadallo uu horay u yiri Trump—oo ay ku jiraan kuwii uu ka jeediyay kulan golaha wasiirrada Mareykanku yeesheen bishii December 2025—halkaas oo uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ku tilmaamay “qashin”, kuna dooday inaysan waxba ku soo kordhin Mareykanka, isla markaana uusan dalkiisa ka rabin. Sidoo kale, Trump ayaa Soomaaliya ku sifeeyay dal ay hareeyeen falal-dambiyeedyo baahsan iyo xasillooni darro.
Hadalladaas ayaa xilligaas caro iyo cambaareyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaali-Mareykanka, oo ku eedeeyay inuu si aan caddaalad ahayn u bartilmaameedsanayo bulsho soo-galooti ah.
‘Waxaan ahay Mareykan’
Halkii uu si toos ah uga hadli lahaa hadalladaas, Wasiir Cali Balcad wuxuu ku dooday dhalashadiisa Mareykanka iyo sharciyadda doorasho ee Madaxweyne Trump.
“Marka hore, anigu waxaan sidoo kale ahay muwaadin Mareykan ah. Madaxweyne Trump waxaa soo doortay muwaadiniinta Mareykanka; sidaas darteed, waa madaxweynaha sharciga ah ee Mareykanka. Sidaa awgeed, kama jawaabi doono hadalladiisa,” ayuu yiri Wasiir Balcad.
Wasiirku ma caddayn inuu si shakhsi ah uga xumaaday hadallada Trump iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso inay si rasmi ah uga jawaabto.
Hadalka Cali Balcad ayaa qayb ka ahaa wareysi ballaaran oo lagu eegayay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo soo celinta xasilloonida, in ka badan soddon sano kaddib burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii.
Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay sugidda amniga iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, isagoo uga mahadceliyay saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyeen soo kabashada dalka, wuxuuna qiray in Soomaaliya aysan heerkan soo gaari lahayn la’aantood.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay soo afjariddii howlgalka siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya bishii Oktoobar 2026, kaas oo ku yimid codsi ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid ka tarjumaysa rabitaanka Soomaaliya ee ah inay la wareegto mas’uuliyadda ugu weyn ee maareynta arrimaheeda siyaasadda gudaha iyo hay’adaha dowliga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado amni oo waaweyn, gaar ahaan kuwa kaga imaanaya kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taas oo weli ka hawlgasha qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dhinaca siyaasadda, khilaafaadka ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo jadwalka doorashooyinka ayaa sii kordhiyay caqabadaha horyaalla dalka.
Xoogagga mucaaradka ayaa su’aal geliyay sii joogista xafiiska ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka Dowladda Federaalku ay ku adkeysaneyso in wax-ka-beddelka dastuurka ee lagu kordhiyay muddo-xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka uu saldhig sharci u yahay qabashada doorashooyinka sanadka 2027-ka.
Inkastoo ay jiraan caqabadahaas amni, siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, Wasiir Cali Balcad wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya ay maanta ka xasilloon tahay sidii ay ahayd sanadihii la soo dhaafay, isagoo rajo ka muujiyay in saaxiibbada caalamku ay sii wadi doonaan taageerada dhaqaale xilli ay Soomaaliya ku hawlan tahay xoojinta hay’adaheeda iyo la wareegidda mas’uuliyadda amnigeeda iyo horumarkeeda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasiir Cali Balcad ayaa ka gaabsaday inuu dhaliilo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib hadalladiisa ku saabsan Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu yahay muwaadin Mareykan ah. Wuxuu sidoo kale ka hadlay caqabadaha amniga ee Soomaaliya iyo dhamaadka howlgalka siyaasadda Qaramada Midoobay ee Oktoobar 2026.
Qodobada muhiimka ah
- Wasiir Cali Balcad ayaa ka gaabsaday inuu dhaliilo ama u jawaabo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib hadallo uu Trump ku weeraray Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
- Cali Balcad wuxuu sheegay in isaga sidoo kale uu yahay muwaadin Mareykan ah, ayna tahay in uusan ka jawaabi doonin hadallada Trump.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Soomaaliya ay weli wajahaysa caqabado amni oo waaweyn, gaar ahaan kuwa kaga imaanaya kooxda Al-Shabaab.
- Wasiirku wuxuu ka hadlay soo afjariddii howlgalka siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya bishii Oktoobar 2026.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha madaxweynaha Trump ama mas'uuliyiin kale oo Mareykan ah.
- Ma cadda haddii Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay si rasmi ah uga jawaabto hadallada Trump.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallada Wasiir Balcad iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Wasiir Balcad waxay muujinayaan kakanaanta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka iyadoo ay jiraan caqabado amni iyo siyaasadeed oo socda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto si ay uga jawaabto hadallada Trump?
- Sidee ayay dhamaadka howlgalka siyaasadda Qaramada Midoobay u saameyn doontaa xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo xalliyo caqabadaha amni ee ay keento Al-Shabaab?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · balcad · trump · wasiir
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada