Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Ka Jawaabay Eedeymihii Mucaaradka Ee Hay’adaha Amniga
Muqdisho — Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa si adag uga jawaabay hadalladii dhawaan mucaaradka ay ku dhaliileen hay’adaha amniga dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aysan aqbali doonin cid kasta oo ku howlan, sida uu sheegay, suurad xumeynta Ciidanka Qaranka iyo qalqal gelinta amniga caasimadda Muqdisho. “Suurad xu

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa si adag uga jawaabay hadalladii dhawaan mucaaradka ay ku dhaliileen hay’adaha amniga dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aysan aqbali doonin cid kasta oo ku howlan, sida uu sheegay, suurad xumeynta Ciidanka Qaranka iyo qalqal gelinta amniga caasimadda Muqdisho.
“Suurad xumeynta Ciidanka Qaranka iyo qalqal gelinta amniga caasimadda cid aan ka yeeleyno malahan, kuwa arrintaas ku howlana waxay ku shaqeynayaan fikir meelo kale looga soo dhiibay,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Wuxuu sidoo kale xusay in hay’adaha amniga ay u taagan yihiin ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in laga fogaado falal iyo hadallo abuuri kara jahwareer amni ama qalalaase siyaasadeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan