Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD ayaa magaalada Jabuuti kulan maamuus ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulanka uu qayb ka ahaa hawlaha Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD ayaa magaalada Jabuuti kulan maamuus ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
- kulanka uu qayb ka ahaa hawlaha Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD.
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka mid ahaa wasiirradii ka qayb galay kulanka.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD ayaa magaalada Jabuuti kulan maamuus ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle , iyadoo kulanka uu qayb ka ahaa hawlaha Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD .
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa ka mid ahaa wasiirradii ka qayb galay kulanka, isagoo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya shirarka IGAD ee ka socda caasimadda Jabuuti.
Kulanka ayaa fursad u noqday madaxda iyo wasiirrada gobolka inay Madaxweynaha Jabuuti kala hadlaan arrimaha khuseeya xoojinta iskaashiga gobolka, nabadda iyo amniga , xilli Geeska Afrika iyo nawaaxigiisa ay ka jiraan caqabado siyaasadeed, amni iyo bani’aadamnimo.
Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD ayaa si gaar ah diiradda u saaraya arrimaha gobolka iyo sidii dalalka xubnaha ka ah ururku ay u xoojin lahaayeen wada-shaqaynta iyo jawaabaha wadajirka ah ee caqabadaha gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka, horumarinta nabadda iyo sugidda amniga , iyadoo loo marayo wada-shaqayn iyo hannaan goboleed.
Kulanka Jabuuti ayaa ku soo beegmaya xilli dalalka Geeska Afrika ay wajahaan arrimo dhowr ah oo u baahan iskaashi, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga gobolka, colaadaha, xaaladaha bani’aadamnimo, socdaalka iyo isku-xirka dhaqaale.
Sidoo kale, joogitaanka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ee Jabuuti wuxuu xoojinayaa doorka dalkaas uu ku leeyahay diblomaasiyadda gobolka iyo hawlaha ururka.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa martigeliyey madaxda iyo wasiirrada ka qaybgalaya kulanka, iyadoo Jabuuti ay noqotay goobta lagu qabtay kalfadhigan muhiimka ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD ayaa magaalada Jabuuti kulan maamuus ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulanka uu qayb ka ahaa Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD.
Qodobada muhiimka ah
- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD ayaa magaalada Jabuuti kulan maamuus ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
- kulanka uu qayb ka ahaa hawlaha Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD.
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka mid ahaa wasiirradii ka qayb galay kulanka.
- kulanka ayaa fursad u noqday madaxda iyo wasiirrada gobolka inay Madaxweynaha Jabuuti kala hadlaan arrimaha khuseeya xoojinta iskaashiga gobolka, nabadda iyo amniga.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanada rasmiga ah iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka wuxuu muujinayaa dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ee dalalka xubnaha IGAD si loo xalliyo caqabadaha gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka ama heshiisyada gaarka ah ee ka soo baxay kulanka?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga iyo tallaabooyinka amniga ee la falanqeeyay?
- Waa maxay caqabadaha gaarka ah ee Geeska Afrika ee la falanqeeyay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · arrimaha · kulan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada