Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Vasily Osmakov. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga. Labada masuul ayaa sidoo kale

SO
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Vasily Osmakov.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga. Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadallada iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah, iyagoo muujiyay rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Ruushka.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralxigeenkawasiirkulan
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.