Weerar Lagu Beegsaday Sarkaal tirsan Ciidanka dowlada oo Ka Dhacay Magaalada Jowhar
Jowhar – Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo amniga magaalada Jowhar, xarunta dowlad-goboleedka Hirshabeelle, kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen falal amni darro ah. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xalay bam-gacmeed lagu weeraray guriga Taliye Saneey Cabdulle, oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Guriga la […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Jowhar – Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo amniga magaalada Jowhar, xarunta dowlad-goboleedka Hirshabeelle, kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen falal amni darro ah.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xalay bam-gacmeed lagu weeraray guriga Taliye Saneey Cabdulle, oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Guriga la weeraray ayaa ku yaalla magaalada Jowhar, waxaana ilaa iyo hadda aan la soo sheegin wax khasaare naf iyo maal ah oo ka dhashay weerarkaasi.
Dhanka kale, askari ka tirsanaa ciidamada Hirshabeelle ayaa lagu dilay xaafadda Badda Cas ee magaalada Jowhar. Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in kooxdii falka geysatay ay goobta ka qaateen hubkii uu askariga watayislamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Labadan dhacdo ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee magaalada, iyadoo aan weli wax war ah ka soo bixin laamaha amniga Hirshabeelle oo ku saabsan weerarka bam-gacmeedka iyo dilka askariga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan