Xasan Cali Khayre oo Ka Digay Dhaqdhaqaaqyada Ciidanka ee Lagu Beegsanayo Guryaha Madaxda Hore
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiXasan Cali Khayre ayaa ka digay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxda hore, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay keeni karaan xasillooni-darro iyo qalalaase amni.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinUgu dambeyn, Xasan Cali Khayre ayaa ku baaqay in la helo dowlad ku timaadda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, isla markaana leh sharciyad ay dalka ku hoggaamiso.
- Khayre ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay abuuri karaan jawi colaadeed oo caasimadda u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
- “Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
- Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku hawlan yahay tallaabooyin halis gelin kara amniga madaxda hore, isaga oo sheegay in mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha ay qaadi doonto madaxtooyadu.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Khaire ka hadlayo maxay yihiin?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xasan Cali Khayre ayaa ka digay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxda hore.
- Khayre ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay abuuri karaan jawi colaadeed oo caasimadda u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni.
- Khayre ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku hawlan yahay tallaabooyin halis gelin kara amniga madaxda hore.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara dhaqdhaqaaqyada ciidan ee uu sheegay in lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxda hore ee qaranka.
Khayre ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay abuuri karaan jawi colaadeed oo caasimadda u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
“Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku hawlan yahay tallaabooyin halis gelin kara amniga madaxda hore, isaga oo sheegay in mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha ay qaadi doonto madaxtooyadu.
“Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro,” ayuu yiri Khayre.
Wuxuu intaas ku daray in xalka keliya ee Soomaaliya looga gudbi karo hubanti la’aanta siyaasadeed uu yahay in dib loogu laabto miiska wada-hadalka, si heshiis looga gaaro doorashada dalka. Ugu dambeyn, Xasan Cali Khayre ayaa ku baaqay in la helo dowlad ku timaadda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, isla markaana leh sharciyad ay dalka ku hoggaamiso.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xasan Cali Khayre ayaa ka digay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxda hore, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay keeni karaan xasillooni-darro iyo qalalaase amni.
Qodobada muhiimka ah
- Xasan Cali Khayre ayaa ka digay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxda hore.
- Khayre ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay abuuri karaan jawi colaadeed oo caasimadda u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni.
- Khayre ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku hawlan yahay tallaabooyin halis gelin kara amniga madaxda hore.
- “Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro,” ayuu yiri Khayre.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida Xasan Cali Khayre iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ama maamulka uu hoggaamiyo.
- Khasaare ama dhacdooyin gaar ah laguma soo sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Xasan Cali Khayre ayaa muujinaya walaacyo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee khatar gelin kara amniga madaxda hore ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Khaire ka hadlayo maxay yihiin?
- Sidee dowladda u qorsheynaysaa inay wax ka qabato walaacyada Khaire?
- Maxay noqon karaan cawaaqibka ka dhasha tallaabooyinka Khaire ka digayo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · madaxda · cali · digay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada