Golaha Mustaqbalka oo ka digay dagaal lagu qaado guriga Sheekh Shariif
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiGolaha Mustaqbalka ayaa ka digay dagaal lagu qaado guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho, iyadoo xiisad u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo madaxweynihii hore ay korodhay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Golaha ayaa daan-daansi ku tilmaamay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladdu, waxayna sheegeen inay ciidamo dul-dhigtay guriga Sheekh Shariif oo ku yaalla aagga hoteel Jasiir, gaar ahaan waddada aada dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
- Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ayaa ka digay in dagaal lagu qaado Sheekh Shariif, wuxuuna goluhu tilmaamay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhasha uu qaadi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu abuurayo xiisado horleh.
- “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u canbaaraynayaa falalka daandaansiga iyo been abuurka ah ee lagu sameynayo Madaxweyne Xildhibaan hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, oo maalmihii la soo dhaafay hoygiisa la dul dhigay ciidamo hubeysan, kuwaas oo carqaladaynayay howl maalmeedkiisa, khatarna geliyay amnigiisa.
- Dhinaca kale,Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntand ayaa sheegay madaxweynaha ay ka sugayeen inuu diiraddda saaro sidii looga miro-dhalin wada-hadallada u socda labada dhinac, si dalka loogu jiheeyo doorasho heshiis lagu yahay, balse uu hadda u weecday waddo uu ku banneysanayo dhiigga mucaaradka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Golaha Mustaqbalka ay qaadi doonaan si ay uga jawaabaan xaaladda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay dagaal lagu qaado guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho.
- Golaha Mustaqbalka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abuurayo xiisado horleh.
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u canbaaraynayaa falalka daandaansiga iyo been abuurka ah ee lagu sameynayo Madaxweyne Xildhibaan hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii dhaq-dhaqaaq ciidan oo u dhexeeya labada dhinac laga dareeyay magaalada Muqdisho.
Golaha ayaa daan-daansi ku tilmaamay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladdu, waxayna sheegeen inay ciidamo dul-dhigtay guriga Sheekh Shariif oo ku yaalla aagga hoteel Jasiir, gaar ahaan waddada aada dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ayaa ka digay in dagaal lagu qaado Sheekh Shariif, wuxuuna goluhu tilmaamay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhasha uu qaadi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu abuurayo xiisado horleh.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u canbaaraynayaa falalka daandaansiga iyo been abuurka ah ee lagu sameynayo Madaxweyne Xildhibaan hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, oo maalmihii la soo dhaafay hoygiisa la dul dhigay ciidamo hubeysan, kuwaas oo carqaladaynayay howl maalmeedkiisa, khatarna geliyay amnigiisa. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ka digayaa cawaaqibka ka dhalan kara falalka daandaansiga iyo argagaxa gelinta ee qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay ku hayaan hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna caddeynayaa in mas’uuliyadda uu qaadan doono Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Xasan Shiikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale,Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntand ayaa sheegay madaxweynaha ay ka sugayeen inuu diiraddda saaro sidii looga miro-dhalin wada-hadallada u socda labada dhinac, si dalka loogu jiheeyo doorasho heshiis lagu yahay, balse uu hadda u weecday waddo uu ku banneysanayo dhiigga mucaaradka.
“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaa laga sugayay in uu dalka u jiheeyo wadahadalo dhab ah oo laga galo sidii dalka doorasho heshiis lagu yahay uga dhici lahayd, waxaase wax laga xumaado ah in uu hadda ku socdo waddo uu ku bannaysanayo diigga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xubnaha Mucaaradka, isaga oo hay’adihii amniga u adeegsanaya si sharci darro ah,” ayaa lasii raaciyay bayaanka.
Waxa kale oo uu guluhu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu joojiyo tallaabooyinka daandaansiga ah ee horseedi kara isku dhacyo, abuuri karana khatar amni, isla markaana uu jeesto heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka.
Shalay ayaa si weyn caasimada looga dareemay xaalad kacsanaan, kadib markii ay isku dhici gaareen ciidamada Hay’adda NISA iyo kuwa kuwa taabacsan Sheekh Shariif, waxaana weli labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay dagaal lagu qaado guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho, iyadoo xiisad u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo madaxweynihii hore ay korodhay.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay dagaal lagu qaado guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho.
- Golaha Mustaqbalka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abuurayo xiisado horleh.
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u canbaaraynayaa falalka daandaansiga iyo been abuurka ah ee lagu sameynayo Madaxweyne Xildhibaan hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
- Xaalad kacsanaan ayaa si weyn caasimada looga dareemay kadib markii ay isku dhici gaareen ciidamada Hay’adda NISA iyo kuwa kuwa taabacsan Sheekh Shariif.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Dowladda Federaalka ama Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
- Eedeymaha ku saabsan abuurista xiisadaha iyo falalka daandaansiga ayaa lagu tilmaamay Golaha Mustaqbalka iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahinta ku saabsan isku dhacyada u dhexeeya ciidamada NISA iyo taageerayaasha Sheekh Shariif ayaa la weriyay laakiin aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Golaha Mustaqbalka ayaa ka digaya khataraha suurtagalka ah ee ku saabsan Sheekh Shariif iyadoo xiisad korodhay ay ka jirto Muqdisho.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Golaha Mustaqbalka ay qaadi doonaan si ay uga jawaabaan xaaladda?
- Sidee ayey Dowladda Federaalka uga jawaabi doontaa eedeymaha ay soo jeedisay Golaha Mustaqbalka?
- Waa maxay cawaaqibka suurtagalka ah ee xiisadaha socda ee amniga Muqdisho?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sheekh · mustaqbalka · shariif
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada