Xasan Sheekh oo Madasha Al-Calamayn ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMadaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn ee dalka Masar, isagoo ka hadlay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayMadaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka qaybqaataan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isagoo sheegay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo xaqiijinta horumar waara.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo isku-xirka dhaqaale ee Afrika.
- “Soomaaliya ma aha oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa.
- Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi dhaqaale oo xooggan, iyadoo dalalka qaaraddu ay si wadajir ah u horumarinayaan ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay fursadaha maalgashi ee gaarka ah ee lagu soo bandhigay madasha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn ee dalka Masar.
- Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo maalgashiga dhaqaale ee Afrika.
- Waxa uu ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka qaybqaataan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Al-Calamayn – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadayaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo isku-xirka dhaqaale ee Afrika. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay baahida loo qabo in dalalka qaaraddu si wanaagsan uga faa’iidaystaan khayraadkooda, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.
“Soomaaliya ma aha oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa. Waxa aan u furan nahay ganacsiga iyo maalgashiga, waana soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah inay nala dhisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka qaybqaataan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isagoo sheegay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo xaqiijinta horumar waara.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi dhaqaale oo xooggan, iyadoo dalalka qaaraddu ay si wadajir ah u horumarinayaan ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.
Madasha Al-Calamayn–Afrika ayaa fursad u ah Soomaaliya inay soo bandhigto fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee dalka, isla markaana ay xiriirro ganacsi iyo iskaashi la yeelato dhinacyada kala duwan ee ka qaybgalaya madasha.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn ee dalka Masar, isagoo ka hadlay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn ee dalka Masar.
- Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo maalgashiga dhaqaale ee Afrika.
- Waxa uu ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka qaybqaataan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
- Madasha Al-Calamayn–Afrika ayaa fursad u ah Soomaaliya inay soo bandhigto fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee dalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan fursadaha maalgashi ee la xusay.
- Eedeymaha ku saabsan xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya waxay ku saleysan yihiin hadallada madaxweynaha iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan natiijooyinka madasha ama heerarka ka qaybgalka ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Ka qaybgalka madaxweynaha madasha ayaa ujeedadiisu tahay in la soo jiito maalgashi Soomaaliya, isagoo muujinaya soo kabashada dhaqaale iyo iskaashi.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay fursadaha maalgashi ee gaarka ah ee lagu soo bandhigay madasha?
- Immisa maalgashadayaal ama ganacsiyo ayaa muujiyay xiisaha maalgashiga Soomaaliya?
- Waa maxay tallaabooyinka la qaadi doono si loo hubiyo guusha fursadahaan maalgashi?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · soomaaliya · sheekh
Warbixintan hadda hal il oo keliya ayaa soo gudbisay: Shabelle Media.