Xasan Sheekh oo shaaciyey in uu 40% hoos u dhacay dakhligii DF ka soo geli jiray…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee canshuuraha kastamka uu hoos u dhacay 40% sababo la xiriira carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz oo saameyn ku yeeshay ganacsiga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysaySoomaaliya waxay dibadda ka soo dhoofsataa qayb weyn oo ka mid ah cuntada, shidaalka iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah, taas oo qoysaska iyo ganacsatada ka dhigaysa kuwo si toos ah u dareema kororka kharashaadka maraakiibta iyo carqaladaha ku yimaada silsiladaha sahayda caalamka.
- Madaxweynaha oo Khamiistii khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ku tiirsanaanta Soomaaliya ee badeecadaha laga soo dejiyo Bariga Dhexe ay dalka si gaar ah ugu nugleysay carqaladaha ka dhaca marinkan muhiimka u ah ganacsiga caalamka.
- “Carqaladdu waxay sidoo kale sababtay in qiyaastii 40% uu hoos u dhaco dakhligeenna gudaha ee ku saleysan kastamka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
- Waxa uu sheegay in dakhliga kastamku uu yahay il muhiim ah oo lagu maalgeliyo dib-u-habeynta dhaqaalaha, kobaca iyo dadaallada lagu dhimayo saboolnimada.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadeyso si loo xalliyo hoos u dhaca dakhliga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee canshuuraha kastamka uu hoos u dhacay qiyaastii 40%.
- Carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ayaa sare u qaadeen qiimaha cuntada iyo shidaalka.
- Dowladda ayaa sheegtay in mugga badeecadaha soo galaya Soomaaliya uu hoos u dhacay ku dhowaad 40% intii uu socday qalalaasaha Hormuz.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
New York (Caasimada Online) — Dakhliga gudaha ee Soomaaliya ka hesho canshuuraha kastamka ayaa hoos u dhacay qiyaastii 40%, kadib markii carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ay saameyn ku yeesheen ganacsiga, isla markaana sare u qaadeen kharashaadka wax soo dejinta, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo Khamiistii khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ku tiirsanaanta Soomaaliya ee badeecadaha laga soo dejiyo Bariga Dhexe ay dalka si gaar ah ugu nugleysay carqaladaha ka dhaca marinkan muhiimka u ah ganacsiga caalamka.
“Carqaladdu waxay sidoo kale sababtay in qiyaastii 40% uu hoos u dhaco dakhligeenna gudaha ee ku saleysan kastamka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxa uu sheegay in dakhliga kastamku uu yahay il muhiim ah oo lagu maalgeliyo dib-u-habeynta dhaqaalaha, kobaca iyo dadaallada lagu dhimayo saboolnimada.
Madaxweynuhu ma uusan sheegin muddada uu qiyaastan 40% ah daboolayo, mana uusan soo bandhigin tirooyin faahfaahsan oo muujinaya heerka dakhliga kastamka ka hor iyo kadib hoos u dhaca.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in carqaladaha marin-biyoodka Hormuz ay sare u qaadeen qiimaha cuntada iyo shidaalka, sicir-bararka, kharashaadka gaadiidka iyo caymiska badeecadaha loo soo raro Soomaaliya.
“Xaqiijinta isu-socod xor ah oo caddaalad ah oo ka jira marin-biyoodkaas waxay muhiim u tahay ilaalinta dhaqaalaha nugul sida Soomaaliya,” ayuu yiri.
Saameynta wax soo dejinta
Qiyaasta cusub ee uu madaxweynuhu bixiyey ayaa daba socota xog hore oo dowladda Soomaaliya soo bandhigtay, taas oo muujisay saameynta qalalaasaha Hormuz ku yeeshay dhaqaalaha dalka ee sida weyn ugu tiirsan wax soo dejinta.
Warbixin ay hay’adda tirakoobka qaranka u gudbisay Golaha Wasiirrada bishii May ayaa lagu sheegay in mugga badeecadaha soo galaya Soomaaliya uu hoos u dhacay ku dhowaad 40% intii uu socday qalalaasaha Hormuz.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladdaasi ay sababtay in qiimaha cuntadu kordho 10%, halka kharashaadka adeegyada caafimaadku sare u kaceen 14%, iyadoo badeecooyin kale ay diiwaangeliyeen koror ka badan intaas.
Golaha Wasiirrada ayaa markaas kadib hay’adaha dowladda ee ay khuseyso faray inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo culayska dhaqaale ee saaran shacabka.
Soomaaliya waxay dibadda ka soo dhoofsataa qayb weyn oo ka mid ah cuntada, shidaalka iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah, taas oo qoysaska iyo ganacsatada ka dhigaysa kuwo si toos ah u dareema kororka kharashaadka maraakiibta iyo carqaladaha ku yimaada silsiladaha sahayda caalamka.
Saameyntu kuma koobna qiimaha badeecadaha oo keliya, balse waxay sidoo kale gaartay dhaqaalaha dowladda.
Canshuuraha laga qaado badeecadaha soo mara dekedaha iyo meelaha kale ee laga soo galo dalka ayaa qayb muhiim ah ka ah dakhliga gudaha ee dowladda federaalka, waxaana laga maalgeliyaa adeegyada iyo kharashaadka dowladda.
Marka wax soo dejintu hoos u dhacdo, dakhliga kastamkuna wuu yaraadaa, xilli kharashaadka gaadiidka iyo caymisku ay kor u sii qaadayaan qiimaha ay macaamiishu bixiyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay sii waddo dadaallada lagu kordhinayo dakhliga gudaha, inkastoo ay jiraan cadaadisyada dhaqaale ee dibadda ka imanaya.
Waxa uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u sheegay in Soomaaliya ay xoojisay maamulka maaliyadda dadweynaha iyo hufnaanta miisaaniyadda, iyadoo sidoo kale la ballaarinayo nidaamka maaliyadeed laguna dadaalayo hagaajinta jawiga maalgashiga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu sanadkan gaaro kobac dhab ah oo dhan 3.1%, inkastoo ay jiraan saameynno xooggan oo ka imaanaya dhaqaalaha caalamka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee canshuuraha kastamka uu hoos u dhacay 40% sababo la xiriira carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz oo saameyn ku yeeshay ganacsiga.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee canshuuraha kastamka uu hoos u dhacay qiyaastii 40%.
- Carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ayaa sare u qaadeen qiimaha cuntada iyo shidaalka.
- Dowladda ayaa sheegtay in mugga badeecadaha soo galaya Soomaaliya uu hoos u dhacay ku dhowaad 40% intii uu socday qalalaasaha Hormuz.
- Qiimaha cuntadu kordho 10%, halka kharashaadka adeegyada caafimaadku sare u kaceen 14%.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo waqtiyo gaar ah oo ku saabsan hoos u dhaca 40% ee la sheegay.
- Tirooyin faahfaahsan oo ku saabsan dakhliga kastamka ka hor iyo kadib hoos u dhaca ma la soo bandhigin.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyo kale oo ku saabsan xaaladda dhaqaale.
Gunaanadka akhristaha
Hoos u dhaca la sheegay ee dakhliga kastamka iyo kororka kharashaadka wax soo dejinta ayaa muujinaya nuglaanta dhaqaalaha Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadeyso si loo xalliyo hoos u dhaca dakhliga?
- Muddo intee le'eg ayaa la filayaa in hoos u dhaca 40% uu socdo?
- Maxay yihiin saameynta muddada dheer ee carqaladaha marin-biyoodka Hormuz ku yeelanayaan dhaqaalaha Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hoos · dhacay · xasan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada