Ugu yaraan 11 qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay bar kontorool oo booliis oo ku taalla pakistand
Warka oo kooban
40 ilbiriqsiUgu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, 20 kalena way ku dhaawacmeen qarax Sabtidii ka dhacay bar kontorool oo ay ciidamada booliisku ku leeyihiin waqooyi-galbeed dalka Pakistan.
Qodobbada muhiimka ah
- Qaraxa ayaa ka dhacay Dera Ismail Khan , oo ku dhow xadka ay wadaagaan gobollada Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah oo uu soo xigtay wargeyska Dawn .
- Hay’adda gurmadka ee Rescue 1122 ayaa sheegtay in dadka ku dhintay qaraxa ay ka mid ahaayeen siddeed nin, laba haween ah iyo hal cunug .
- Booliiska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan saraakiil booliis, shaqaale ka tirsan waaxda canshuuraha iyo laba qof oo rayid ah.
- Kooxo ku takhasusay baadhista iyo baabi’inta walxaha qarxa ayaa gaaray goobta, iyagoo bilaabay baaritaanka sababta qaraxa iyo nooca walxaha loo adeegsaday.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, 20 kalena way ku dhaawacmeen qarax Sabtidii ka dhacay bar kontorool oo ay ciidamada booliisku ku leeyihiin waqooyi-galbeed dalka Pakistan.
Qaraxa ayaa ka dhacay Dera Ismail Khan , oo ku dhow xadka ay wadaagaan gobollada Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah oo uu soo xigtay wargeyska Dawn .
Hay’adda gurmadka ee Rescue 1122 ayaa sheegtay in dadka ku dhintay qaraxa ay ka mid ahaayeen siddeed nin, laba haween ah iyo hal cunug . Kooxaha gurmadka ayaa weli ka waday goobta hawlgallo samatabbixin ah, iyagoo burburka hoostiisa ka raadinayay dad waxyeelloobay.
Booliiska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan saraakiil booliis, shaqaale ka tirsan waaxda canshuuraha iyo laba qof oo rayid ah.
Kooxo ku takhasusay baadhista iyo baabi’inta walxaha qarxa ayaa gaaray goobta, iyagoo bilaabay baaritaanka sababta qaraxa iyo nooca walxaha loo adeegsaday.
Bar kontoroolka uu qaraxu ka dhacay ayaa muhiim u ah howlaha ammaanka, waxaana ciidamada halkaas jooga ay hubiyaan dadka iyo gaadiidka isticmaala waddada isku xirta Dera Ismail Khan iyo Quetta .
Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay iyo ujeeddada weerarka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhintay · bar · dhacay