Xog keydiyada FBI-da Mareykanka oo la jabsaday
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Hey’adda Dambi-baarista Mareykanka (FBI) ayaa bilowday baaritaan ballaaran oo ku saabsan jabsi lagu sameeyay xog-kaydiyaha qaranka ee macluumaadka dambiilayaasha (NCIC) kaddib cillado waaweyn oo dhanka teknoolajiyada iyo isgaarsiinta ah oo ka dhacay Mareykanka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sida ay baahisay warbaahinta CNN, jabsigan lagu sameeyay nidaamka National Crime Information Center—oo ah xog-kaydiye dhexe oo ay hay’adaha amniga heer federaal, heer gobol, iyo heer degmo u adeegsadaan wadaagista macluumaadka cadaaladda iyo dambiyada—ayaa la ogaaday maalmihii la soo dhaafay.
- FBI-da ayaa nidaamkan ku tilmaantay mid udub-dhexaad u ah howlaha booliska iyo hay’adaha fulinta sharciga ee guud ahaan dalka Mareykanka.
- Sarkaal hore oo ka tirsanaa FBI-da, kaas oo hoggaamin jiray baaritaannada ka dhanka ah kooxaha burcadda internet-ka, ayaa sheegay in saraakiisha amnigu ay nidaamkan ku tiirsan yihiin si ay u aqoonsadaan dadka baxsadka ah, u hubiyaan waaranada soo qabashada ee taagan, una helaan xogaha muhiimka ah.
- “Welwelkeygu ma aha oo keliya in burcadda internet-ku ay heleen xog xasaasi ah—inkastoo taasi ay dhibaato weyn tahay—balse waxaan ka walwalsanahay inay wax ka beddelaan saxnaanta xogta ay saraakiishu ku tiirsan yihiin,” ayuu sarkaalkaas hore u sheegay CNN.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee la jabsaday?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Hey’adda Dambi-baarista Mareykanka (FBI) ayaa bilowday baaritaan ballaaran oo ku saabsan jabsi lagu sameeyay xog-kaydiyaha qaranka ee macluumaadka dambiilayaasha (NCIC) kaddib toddobaadyo ay dalkaas ka dhacayeen cillado waaweyn oo dhanka te
- Sarkaal hore oo ka tirsanaa FBI-da ayaa sheegay in jabsi lagu sameeyay xogta ay saraakiishu ku tiirsan yihiin ay saameyn ku yeelan karto saxnaanta xogta.
- Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa difaacay dadaallada hay’adda ee dhanka amniga internet-ka iyo ololaha Operation Winter Shield.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Hey’adda Dambi-baarista Mareykanka (FBI) ayaa bilowday baaritaan ballaaran oo ku saabsan jabsi lagu sameeyay xog-kaydiyaha qaranka ee macluumaadka dambiilayaasha (NCIC), kaddib toddobaadyo ay dalkaas ka dhacayeen cillado waaweyn oo dhanka teknoolajiyada iyo isgaarsiinta ah.
Sida ay baahisay warbaahinta CNN, jabsigan lagu sameeyay nidaamka National Crime Information Center—oo ah xog-kaydiye dhexe oo ay hay’adaha amniga heer federaal, heer gobol, iyo heer degmo u adeegsadaan wadaagista macluumaadka cadaaladda iyo dambiyada—ayaa la ogaaday maalmihii la soo dhaafay.
FBI-da ayaa nidaamkan ku tilmaantay mid udub-dhexaad u ah howlaha booliska iyo hay’adaha fulinta sharciga ee guud ahaan dalka Mareykanka. Hase yeeshee, khatarta ka dhalan karta jabsigan ayaa ka ballaaran xatooyo lagu sameeyo xog xasaasi ah oo keliya.
Sarkaal hore oo ka tirsanaa FBI-da, kaas oo hoggaamin jiray baaritaannada ka dhanka ah kooxaha burcadda internet-ka, ayaa sheegay in saraakiisha amnigu ay nidaamkan ku tiirsan yihiin si ay u aqoonsadaan dadka baxsadka ah, u hubiyaan waaranada soo qabashada ee taagan, una helaan xogaha muhiimka ah.
“Welwelkeygu ma aha oo keliya in burcadda internet-ku ay heleen xog xasaasi ah—inkastoo taasi ay dhibaato weyn tahay—balse waxaan ka walwalsanahay inay wax ka beddelaan saxnaanta xogta ay saraakiishu ku tiirsan yihiin,” ayuu sarkaalkaas hore u sheegay CNN.
Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, oo Khamiistii la hadlay telefishinka Fox News kaddib markii saraakiishu ogaadeen jabsigan cusub, ayaa difaacay dadaallada hay’adda ee dhanka amniga internet-ka. Wuxuu soo hadal-qaaday ololaha Operation Winter Shield, oo bishii February ee sanadkan la daah-furay si shirkadaha gaarka loo leeyahay loogu dhiirrigeliyo inay adkeeyaan difaacooda dhijitaalka ah.
“Maamulladii hore way samayn kareen casriyeyntan, balse ma samayn,” ayuu yiri Patel, isagoo intaas ku daray: “Waxaan hadda ka horreynaa khataraha, waxaana soo kabanaynaa waqtigii lumay.”
Toddobaad cillado dhanka teknoolajiyada ah
Dhacdadan lagu jabsaday xogta FBI-da ayaa kusoo beegantay xilli hay’ado waaweyn oo ka jira Mareykanka iyo caalamkuba ay wajaheen cilado is-xigxigay oo dhanka isgaarsiinta ah.
13-kii bishan November, Hay’adda Maamulka Duulimaadyada Federaalka Mareykanka (FAA) ayaa hakisay dhammaan duulimaadyada dalka saacado badan, kaddib markii cilad farsamo ay ku timid shabakadda isgaarsiinta hawada.
Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, hakadkaas ayaa saameeyay in ka badan 18,000 oo duulimaad. FAA ayaa sheegtay in dhibaatadu ay bilaabatay markii nidaamkeeda duugga ah ee isgaarsiinta uu xasilloonida lumiyay kaddib markii xog aad u badan ay hal mar soo gashay shabakadda.
Maalmo ka hor dhacdadaas, cilad caalami ah oo ku timid adeegyada shirkadda Microsoft ayaa hakisay barnaamijyada Outlook, Teams, iyo kaaliyaha caqliga macmalka ah ee Copilot.
Ciladdaas ayaa saameysay ganacsiyo, bangiyo, isbitaallo, maxkamado, shirkado diyaaradeed, iyo hay’ado dowladeed, iyadoo barta la socota ciladaha internet-ka ee Downdetector ay diiwaangelisay cabashooyin ka yimid in ka badan 70 dal iyo dhulal kale.
Sidoo kale, 16-kii bishan November, macaamiisha bankiyada ugu waaweyn dalka Mareykanka—oo ay ku jiraan JPMorgan Chase, Bank of America, Wells Fargo, iyo US Bank—ayaa la kulmay cillado ka hor istaagay inay isticmaalaan adeegyada bangiga ee internet-ka.
Maalintii xigtay ee 17-ka November, waxaa iyana hawada ka baxday shabakadda isgaarsiinta gudaha ee sirta ah ee Hay’adda Amniga Qaranka Mareykanka (NSA), ee loo yaqaan NSANet.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Hey’adda Dambi-baarista Mareykanka (FBI) ayaa bilowday baaritaan ballaaran oo ku saabsan jabsi lagu sameeyay xog-kaydiyaha qaranka ee macluumaadka dambiilayaasha (NCIC) kaddib cillado waaweyn oo dhanka teknoolajiyada iyo isgaarsiinta ah oo ka dhacay Mareykanka.
Qodobada muhiimka ah
- Hey’adda Dambi-baarista Mareykanka (FBI) ayaa bilowday baaritaan ballaaran oo ku saabsan jabsi lagu sameeyay xog-kaydiyaha qaranka ee macluumaadka dambiilayaasha (NCIC) kaddib toddobaadyo ay dalkaas ka dhacayeen cillado waaweyn oo dhanka te
- Sarkaal hore oo ka tirsanaa FBI-da ayaa sheegay in jabsi lagu sameeyay xogta ay saraakiishu ku tiirsan yihiin ay saameyn ku yeelan karto saxnaanta xogta.
- Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa difaacay dadaallada hay’adda ee dhanka amniga internet-ka iyo ololaha Operation Winter Shield.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in dhacdadan lagu jabsaday xogta FBI-da ay kusoo beegantay xilli hay’ado waaweyn oo ka jira Mareykanka ay wajaheen cilado is-xigxigay oo dhanka isgaarsiinta ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay macluumaad ka yimid CNN iyo bayaanno ka soo baxay mas'uuliyiin ka tirsan FBI.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo lagu sameeyay eedeymaha ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada kale ee ku saabsan jabsi.
Gunaanadka akhristaha
FBI-da ayaa baaritaan ku sameyneysa jabsi weyn oo keeni kara walaac ku saabsan saxnaanta xogta booliska.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee la jabsaday?
- Sidee ayey FBI u xallin doontaa suurtagalnimada khaladaadka ku jira xogta booliska?
- Waa maxay tallaabooyinka la qaadayo si looga hortago jabsi mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · fbi · mareykanka · xog