Xog: Saraakiil ka tirsan CID-da oo dalka ka baxsatay kadib baaris masuq-maasuq
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, muddo saddex cisho ah wax shaqo ah kama socon xarunta Hay’adda Dambi-baarista, gaar ahaan qaybta bixinta waraaqaha dambi-la’aanta, kadib markii saddex sarkaal oo ka tirsan hay’adda ay dalka dibaddiisa uga baxsadeen eedeymo la xiriira musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin. Saddexda sarkaal, oo markii baaristu ku bilaabatay u kala […

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, muddo saddex cisho ah wax shaqo ah kama socon xarunta Hay’adda Dambi-baarista, gaar ahaan qaybta bixinta waraaqaha dambi-la’aanta, kadib markii saddex sarkaal oo ka tirsan hay’adda ay dalka dibaddiisa uga baxsadeen eedeymo la xiriira musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin.
Saddexda sarkaal, oo markii baaristu ku bilaabatay u kala baxsaday dalalka Kenya, Masar iyo Ingiriiska, waxaa ka mid ah taliyihii waaxda fara-dhigista oo asal ahaan ahaa reer London, isla markaana aan horay wax shaqo boolis ah u soo marin.
Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa muddooyinkii dambe waday dabagalka saraakiisha baxsatay. Waxaa gebi ahaanba la joojiyay shaqadii loo qaban jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonayay waraaqaha dambi-la’aanta, kuwaas oo lagu qaato baasaboorka ama lagu dalbado fiisooyinka.
Bilihii u dambeeyay waxaa muran dhinaca maamulka dhaqaalaha ka dhashay uu ka dhex taagnaa taliyaha CID, Ibraahim Aadan Dhaayow, iyo sarkaalkii baxsaday ee maamulayay qaybta fara-dhigista. Murankaas ayaa salka ku hayay cidda si toos ah u maamuleysa dakhliga ka soo xarooda waraaqaha dambi-la’aanta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan