Xogta halka ay degayaaan ciidamada Masar ee ku soo wajahan Soomaaliya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDowladda Masar ayaa billowday diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamo milatari ugu soo diri lahayd Soomaaliya, iyadoo saraakiil iyo la-taliyeyaal milatari ay ka shaqeynayaan qabanqaabada howlgalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaCiidamadan ayaa la filayaa inay Soomaaliya ku yimaadaan laba hannaan oo kala ah iskaashiga milatari ee tooska ah ee Muqdisho iyo Qaahira iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo tallaabadani ay qeyb ka tahay heshiiskii difaaca ee labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2024.
- Warbixinta ayaa sheegtay in ciidamada Masar la qorsheynayo in la dejiyo deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan aagga garoonkii diyaaradaha ee Cisiley, kuna dhow xadka gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.
- Hase yeeshee, dowladda Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay Soomaaliya u soo direyso, waqtiga ay imaanayaan iyo sida ay u kala qeyb noqon doonaan kuwa hoos tegaya AUSSOM iyo kuwa ku imaanaya heshiiska labada dowladood.
- Warbaahinta milatariga ee Defense Arabic ayaa 30-kii September sidoo kale werisay in saraakiil Masaari ah ay gaareen deegaanka Ceelcade, halkaas oo la sheegay in laga diyaarinayo xarun milatari oo loogu talagalay ciidamada Masar iyo tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Tirada saxda ah ee ciidamada Masar ee la soo dirayo maxay tahay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Masar ayaa billowday diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamo milatari ugu soo diri lahayd Soomaaliya.
- Ciidamada Masar la qorsheynayo in la dejiyo deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho.
- Dowladda Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay Soomaaliya u soo direyso.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa billowday diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamo milatari ugu soo diri lahayd Soomaaliya, iyadoo saraakiil, tababarayaal iyo la-taliyeyaal ciidan oo Masaari ah ay ka shaqeynayaan qabanqaabada howlgalka, sida ay werisay warbaahinta The New Arab.
Ciidamadan ayaa la filayaa inay Soomaaliya ku yimaadaan laba hannaan oo kala ah iskaashiga milatari ee tooska ah ee Muqdisho iyo Qaahira iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo tallaabadani ay qeyb ka tahay heshiiskii difaaca ee labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2024.
Warbixinta ayaa sheegtay in ciidamada Masar la qorsheynayo in la dejiyo deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan aagga garoonkii diyaaradaha ee Cisiley, kuna dhow xadka gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.
Hase yeeshee, dowladda Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay Soomaaliya u soo direyso, waqtiga ay imaanayaan iyo sida ay u kala qeyb noqon doonaan kuwa hoos tegaya AUSSOM iyo kuwa ku imaanaya heshiiska labada dowladood. Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya goobta la sheegay in ciidamadan la dejinayo.
Warbaahinta milatariga ee Defense Arabic ayaa 30-kii September sidoo kale werisay in saraakiil Masaari ah ay gaareen deegaanka Ceelcade, halkaas oo la sheegay in laga diyaarinayo xarun milatari oo loogu talagalay ciidamada Masar iyo tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xaruntan ayaa la filayaa inay noqoto saldhigga ugu weyn ee ciidamada Masar uga howlgalaan Soomaaliya, haddii qorshahaasi u hirgalo sida la sheegay.
Iskaashiga milatari ee labada dal
Diyaar-garowgan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya iyo Masar si weyn u xoojinayaan xiriirkooda difaac, iyadoo bishii September ay Muqdisho ka dhaceen kulamo dhowr ah oo dhexmaray saraakiisha milatariga labada dal.
15-kii September, wafdi milatari oo Masaari ah ayaa la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo ka wada hadlay tababarka ciidamada, tayeynta awooddooda iyo iskaashiga dhinaca difaaca.
Shan maalmood kaddib, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay wafdi kale oo saraakiil Masaari ah, oo uu wehliyay safiirka Masar ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Keshtah.
Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca, iyadoo Fiqi uu bogaadiyay taageerada Masar ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xiriirka labada dal ayaa heer cusub gaaray bishii January 2025, markaas oo Soomaaliya iyo Masar ay xiriirkooda u qaadeen iskaashi istaraatiiji ah, iyagoo ballaariyay wada-shaqeynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 3-dii October magaalada Alamein kula kulmay dhiggiisa Masar Cabdifataax Al-Sisi, oo mar kale xaqiijiyay taageerada Qaahira ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Maalintii xigtay, madaxda Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan ayaa isla magaaladaas ku yeeshay shir afar geesood ah, waxayna soo saareen bayaan wadajir ah oo lagu adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida dalalka, amniga Badda Cas iyo ka hortagga faragelinta arrimaha gudaha.
Caqabadaha hortaagan howlgalka
Inkasta oo Masar ay muddo ku dhow laba sano diyaarineysay ciidamadeeda, haddana qorshaha lagu keenayo Soomaaliya ayaa dhowr jeer dib u dhacay, sababo la xiriira dhaqaalaha, saadka iyo qabanqaabada howlgalka AUSSOM.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa horraantii September sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay ciidamadeeda soo dirto, balse ay weli jiraan arrimo farsamo iyo dhaqaale oo u baahan in la dhammaystiro.
Qorshayaasha Qaramada Midoobay ayaa hore u tilmaamay in 1,091 askari oo Masaari ah ay qeyb ka noqon karaan howlgalka AUSSOM, inkasta oo tirada kama dambaysta ah ee ciidanka la keenayo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Dhanka kale, ciidamada Masar ayaa haddii ay Soomaaliya yimaadaan wajihi doona xaalad amni oo adag, iyadoo Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay fuliso weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.
Falanqeeyaha siyaasadda Soomaaliya Xasan Maxamed ayaa The New Arab u sheegay in imaanshaha ciidamada Masar ay gacan ka geysan karto tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya, balse guusha howlgalka ay ku xirnaan doonto isku-duwidda labada dhinac iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dagaalka Al-Shabaab aan lagu guuleysan karin dadaal milatari oo keliya, balse loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee saameeya xasilloonida Soomaaliya.
Loollanka Masar iyo Itoobiya
Joogitaanka milatari ee Masar ay ka sameysaneyso Soomaaliya ayaa sidoo kale leh muhiimad istaraatiiji ah oo ka baxsan dagaalka Al-Shabaab, maadaama uu kusoo aadayo xilli ay sare u kaceen xiisadaha u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.
Labada dal ayaa muddo dheer isku haya biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Niil, iyadoo Qaahira ay ka cabsi qabto in maamulka biyo-xireenku uu saameyn ku yeesho biyaha ay ka hesho webigaas.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Itoobiya ay dib u cusbooneysiisay dadaalladeeda ku aaddan helitaanka marin Badda Cas ah, halka Masar ay ku adkeysaneyso in amniga iyo maamulka baddaas ay tahay in la dhowro madax-bannaanida dalalka xeebaha leh.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa 5-tii October sheegay in Masar aysan marnaba ka tanaasuli doonin saamigeeda biyaha Niil, isaga oo ku tilmaamay xuquuq taariikhi ah iyo mid sharci oo aan lagu xadgudbi karin.
Khilaafka Itoobiya iyo Masar ayaa hadda ku soo beegmaya iyadoo xaaladda amni ee gobolka ay sii cakirmeyso, gaar ahaan xiisadda dagaal ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo isku dhac gobolka ku fida.
Khabiirka amniga Masar, Jeneraal Khaled Okasha, ayaa The New Arab u sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay amniga qaranka Masar, maadaama xasilloonida Soomaaliya ay si toos ah ula xiriirto amniga Badda Cas, marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Kanaalka Suweys.
Wuxuu sheegay in Qaahira ay doonayso inay Soomaaliya ka caawiso ilaalinta biyaha dhulkeeda, la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda, iyo ka hortagga faragelinta shisheeye.
Sidoo kale, professor Ayman Shabana oo ku takhasusay cilmiga siyaasadda ayaa warbaahintaasi u sheegay in joogitaanka ciidamada Masar ee Geeska Afrika uu qeyb ka yahay dadaalka Qaahira ay ku ilaalineyso danaheeda amniga qaranka, isla markaana ay taageero ugu muujineyso dalalka ay xulafada yihiin ee Soomaaliya iyo Eritrea.
Shabana ayaa tilmaamay in tallaabadani ay sidoo kale fariin u direyso dalalka kale ee gobolka, gaar ahaan kuwa ay Masar isku hayaan arrimaha amniga iyo istaraatiijiyadda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Masar ayaa billowday diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamo milatari ugu soo diri lahayd Soomaaliya, iyadoo saraakiil iyo la-taliyeyaal milatari ay ka shaqeynayaan qabanqaabada howlgalka. Ciidamada ayaa la filayaa inay ku dejiyaan deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Masar ayaa billowday diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamo milatari ugu soo diri lahayd Soomaaliya.
- Ciidamada Masar la qorsheynayo in la dejiyo deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho.
- Dowladda Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay Soomaaliya u soo direyso.
- Iskaashiga milatari ee labada dal ayaa si weyn u xoojinayaan xiriirkooda difaac.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo tirada saxda ah ee ciidamada la soo dirayo.
- Waqtiga ay ciidamada Masar imaanayaan ma cadda.
- Ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan goobta la dejinayo ciidamada.
Gunaanadka akhristaha
Ciidamada milatari ee Masar ayaa diyaarinaya in ay u diraan Soomaaliya, laakiin faahfaahinta muhiimka ah ee howlgalka ayaa weli caddayn la'aan ah.
Waxa weli aan caddayn
- Tirada saxda ah ee ciidamada Masar ee la soo dirayo maxay tahay?
- Goormaa la filayaa in ciidamada Masar ay yimaadaan Soomaaliya?
- Waa maxay doorka gaarka ah ee ciidamada Masar ay ka ciyaari doonaan Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soo · masar · soomaaliya