Xogta shir muhiim ah oo Soomaaliya ku guddoomisay Nairobi, kaasi oo lagu ansixiyay…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiWasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa shir Guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika ee Nairobi.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayIntii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay qorshe-hawleedka horumarinta ganacsiga Geeska Afrika, kaas oo ay hore u diyaariyeen Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku bahoobay Hindisaha Geeska Afrika.
- Kulanka waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah Wasiirrada dalalka ku bahoobay madasha, wakiillo ka socday dowladaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub.
- Shirka oo ahaa kulan hal maalin ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta is-dhexgalka gobolka, xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta mudnaanta dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
- Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, biyaha iyo waddooyinka isku xira dalalka ku bahoobay madashaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray shirka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa shir Guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta is-dhexgalka gobolka, xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta mudnaanta dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
- Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, biyaha iyo waddooyinka isku xira dalalka ku bahoobay madashaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
Kulanka waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah Wasiirrada dalalka ku bahoobay madasha, wakiillo ka socday dowladaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub.
Shirka oo ahaa kulan hal maalin ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta is-dhexgalka gobolka, xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta mudnaanta dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, biyaha iyo waddooyinka isku xira dalalka ku bahoobay madashaan.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay qorshe-hawleedka horumarinta ganacsiga Geeska Afrika, kaas oo ay hore u diyaariyeen Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku bahoobay Hindisaha Geeska Afrika.
Qorshaha ayaa ka dhashay kulankii Wasiirrada Ganacsiga ee Madashani oo bishii Agoosto 2026 lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladaha ku mideysan Madasha Hindisaha Geeska Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah taageerada muhiimka si joogto ah u siiya hindisahan, gaar ahaan kaalintooda ku aaddan horumarinta, iskaashiga iyo maalgelinta mashaariicda muhiimka u ah dalalka Geeska Afrika.
Kulanka 29-aad ayaa sidoo kale xoojisay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo dardargeliyo mashaariicda gobolka iyo horumarinta fursadaha dhaqaale ee Geeska Afrika.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa shir Guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika ee Nairobi.
Qodobada muhiimka ah
- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa shir Guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta is-dhexgalka gobolka, xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta mudnaanta dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
- Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, biyaha iyo waddooyinka isku xira dalalka ku bahoobay madashaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ka qaybgalay wadahadalada.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la xiriira natiijooyinka shirka lama bixin.
- Faahfaahinta ku saabsan heshiisyada ama ballanqaadyada gaarka ah ee shirka lagu ansixiyay lama soo bandhigin.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Geeska Afrika.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray shirka?
- Sidee loo fulin doonaa qorshaha la ansixiyay ee horumarinta ganacsiga?
- Waa maxay natiijooyinka la filayo ee ka dhashay xoojinta iskaashiga gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shir · soomaaliya · nairobi
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada