Yaa sabab u ah fashilka wada-hadallada DF iyo mucaaradka?
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiSenator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo mas’uuliyadda fashilka wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka u saaray siyaasiyiinta mucaaradka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Senatorka oo wariyeyaasha kula hadlay xarunta Aqalka Sare ayaa mas’uuliyadda fashilka dusha u saaray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn wada-hadallada socda, sida uu hadalka u dhigay.
- Cabdixakiin Macallin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in khilaafka jira ay iyagu abuureen, isla markaana halkii ka shaqeyn lahaayeen danaha guud ay ka hormariyaan tooda gaarka ah.
- Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in xilligan aan loo baahnayn in beesha caalamka qaylo-dhaan loo diro, maadaama arrimaha gudaha ee dalka ay yihiin kuwo ay tahay in shacabka Soomaaliyeed iyagu ka tashadaan.
- “Aniga aragtideyda, in aysan wax kasoo bixin dadaalladii la sameeyay waxay ka imaanaysay mucaaradka oo aan diyaar u ahayn wada-hadal dhab ah, balse mar walba hormarinayay dano siyaasadeed iyo khilaaf, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen midnimada, wadajirka iyo horumarka dalka,” ayuu yiri Senator Cabdixakiin Macalin Axmed.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida siyaasadeed iyo maamulka mustaqbalka dalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay shuruudaha gaarka ah ee sababay khilaafka keenay dib u dhaca?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa mas’uuliyadda fashilka wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka u saaray siyaasiyiinta mucaaradka.
- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in khilaafka jira ay iyagu abuureen.
- Dib u dhaca shirkan ayaa yimid, kadib markii ay dhinacyadu isku mari waayeen qaar ka mid ah shuruudaha iyo qodobada la xiriira hannaanka wadahadalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo wax laga waydiiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ka hadlay arrimo ku aaddan fashilka mar kasta ku yimaada wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka, xilli uu maanta dib u dhacay shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Senatorka oo wariyeyaasha kula hadlay xarunta Aqalka Sare ayaa mas’uuliyadda fashilka dusha u saaray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn wada-hadallada socda, sida uu hadalka u dhigay.
Cabdixakiin Macallin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in khilaafka jira ay iyagu abuureen, isla markaana halkii ka shaqeyn lahaayeen danaha guud ay ka hormariyaan tooda gaarka ah.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in xilligan aan loo baahnayn in beesha caalamka qaylo-dhaan loo diro, maadaama arrimaha gudaha ee dalka ay yihiin kuwo ay tahay in shacabka Soomaaliyeed iyagu ka tashadaan.
“Aniga aragtideyda, in aysan wax kasoo bixin dadaalladii la sameeyay waxay ka imaanaysay mucaaradka oo aan diyaar u ahayn wada-hadal dhab ah, balse mar walba hormarinayay dano siyaasadeed iyo khilaaf, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen midnimada, wadajirka iyo horumarka dalka,” ayuu yiri Senator Cabdixakiin Macalin Axmed.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray “Soomaaliya way kasoo gudubtay beel caalam inay ka taliso Soomaaliya waxaa iska leh Soomaali sanad kastaba loo joogi maayo beel caalam ayaa nasoo kala dhex galeyso”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay maanta dib u dhacday gogoshii uu Madaxweynaha ku casuumay Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogosha wadatashiga Qaran ee lagu waday inay ka furanto Muqdisho, muddada u dhexeysa 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026. Dib u dhaca shirkan ayaa yimid, kadib markii ay dhinacyadu isku mari waayeen qaar ka mid ah shuruudaha iyo qodobada la xiriira hannaanka wadahadalka.
Si kastaba, Villa Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ku dooday in haatan ay waddo dadaallo ay kula xiriireyso dhinacyada lagu casuumay shirka, isla markaana uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee gogosha wada-tashiga qaran oo diiradda lagu saari doono arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashada dalka.
Gogosha Madaxweynuhu fidiyay ayaa ku soo aaday xilli ay weli taagan tahay kala aragti duwanaansho u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka, kaddib markii ay fashilmeen wada-hadallo hore oo muddo soo socday, kuwaas oo aan lagu gaarin heshiis wax ku ool ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo mas’uuliyadda fashilka wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka u saaray siyaasiyiinta mucaaradka. Gogoshii wadatashiga qaran ee Muqdisho ayaa dib u dhacday sababo la xiriira khilaaf ka dhashay shuruudo qaarkood.
Qodobada muhiimka ah
- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa mas’uuliyadda fashilka wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka u saaray siyaasiyiinta mucaaradka.
- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in khilaafka jira ay iyagu abuureen.
- Dib u dhaca shirkan ayaa yimid, kadib markii ay dhinacyadu isku mari waayeen qaar ka mid ah shuruudaha iyo qodobada la xiriira hannaanka wadahadalka.
- Villa Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ku dooday in haatan ay waddo dadaallo ay kula xiriireyso dhinacyada lagu casuumay shirka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid mucaaradka oo ku saabsan eedeymaha uu senator ku soo jeediyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan shuruudaha gaarka ah ee sababay dib u dhaca.
Gunaanadka akhristaha
Fashilka wada-hadallada iyo dib u dhaca gogosha wadatashiga qaran waxay muujinayaan caqabado siyaasadeed oo muhiim ah oo ka jira Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay shuruudaha gaarka ah ee sababay khilaafka keenay dib u dhaca?
- Sidee mucaaradka u arkaan eedeymaha senator-ka?
- Waa maxay saamaynta dib u dhaca gogosha wadatashiga qaran ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha socda ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida siyaasadeed iyo maamulka mustaqbalka dalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mucaaradka · fashilka · wada