Beesha Xawaadle oo go’aanno culus soo saartay iyo dhismaha HirShabelle cusub
Beledweyne (Caasimada Online) – Beesha Xawaadle ayaa si cad uga hortimid doorashada la qorsheeyay in laga qabto maamulka Hirshabeelle, iyadoo dalbatay in la hakiyo doorashooyinka iyo tallaabooyinka la xiriira dhismaha maamulka Hirshabeelle.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Beledweyne (Caasimada Online) – Beesha Xawaadle ayaa si cad uga hortimid doorashada la qorsheeyay in laga qabto maamulka Hirshabeelle, iyadoo dalbatay in la hakiyo doorashooyinka iyo tallaabooyinka la xiriira dhismaha maamulka Hirshabeelle.
Go’aankan ayaa kasoo baxay kulan maalmo ka socday magaalada Beledweyne, kaas oo ay isugu yimaadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Hiiraan iyo qaabka loo wajahayo dhismaha maamulka.
War-murtiyeedka kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin hannaan siyaasadeed oo laga hirgeliyo Hiiraan iyadoo aan heshiis laga gaarin, isla markaana aan la helin oggolaanshaha iyo ka qaybgalka bulshada deegaanka.
Xoghayihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble oo war-murtiyeedka u akhriyey warbaahinta ayaa sheegay in beesha Xawaadle aysan taageerayn hannaan siyaasadeed oo laga sameeyo gobolka haddii aysan qayb ka ahayn bulshada reer Hiiraan.
Beesha ayaa sidoo kale ku baaqday in dhismaha Hirshabeelle saddexaad lagu saleeyo hannaan loo dhan yahay, kaas oo dhinacyada kala duwan ay ku wada qanacsan yihiin, laguna xaqiijinayo caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi.
“Waa in la joojiyo dhammaan doorashooyinka iyo habraacyada aan ku dhisnayn heshiiska iyo oggolaanshaha bulshada,” ayaa lagu yiri mid ka mid ah qodobada war-murtiyeedka.
Waxgaradka Xawaadle ayaa sidoo kale sheegay in tabashooyinka reer Hiiraan loo baahan yahay in si dhab ah loo qaado, iyadoo xalkeedana lagu raadinayo wada-tashi iyo is-afgarad siyaasadeed, halkii la sii wadi lahaa tallaabooyin ay bulshadu ka biyo diidan tahay.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in maamulka Hirshabeelle ee ka howlgala Hiiraan uu tixgeliyo go’aannada kasoo baxay waxgaradka, isla markaana uu isu diyaariyo geeddi-socod cusub oo lagu dhisayo maamul loo dhan yahay.
Sidoo kale, beesha ayaa digniin ka bixisay wax kasta oo qalalaase ama gacan-ka-hadal ah oo ka dhasha doorasho aan heshiis lagu ahayn, iyadoo sheegtay in mas’uuliyadda wixii arrintaas kasoo baxa ay qaadi doonaan guddiga doorashooyinka.
Ugu dambeyn, Xawaadle ayaa ku adkaysatay in aan la dhisi karin Hirshabeelle waarta iyadoo la iska indha tirayo tabashooyinka iyo rabitaanka bulshada reer Hiiraan, waxayna beesha ku baaqday in la dedejiyo hannaan cusub oo lagu dhisayo maamul ka duwan kan hadda jira.
The post Beesha Xawaadle oo go’aanno culus soo saartay iyo dhismaha HirShabelle cusub appeared first on Caasimada Online .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · beesha · xawaadle · dhismaha
Keep reading
Live story thread
Open live story