Bulshada Rayidka oo madaxeyne Xasan la wadaagtay walaaca ka dhashay xiliga kala guurka dalka
May 25(Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga xaqiijiyey amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo codka ah. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay bulsh

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
May 25(Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga xaqiijiyey amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo codka ah.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka bulshada rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo Madaxweynuhu uu ku bogaadiyey bulshada rayidka doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda, daahfurnaanta dowladnimada, dardargelinta horumarinta adeegyada bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta dowladda iyo shacabka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Jowhar
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.