Cali Cosoble oo ka digay qorshe ay damacsan yihiin Dabageed iyo Sanabloolshe
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirSHabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyada ka socda Beledweyne, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed iyo taliyihii hore ee NISA…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirSHabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyada ka socda Beledweyne, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed iyo taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaaladaas oo xarun u ah Hiiraan.
Cali Cosoble ayaa ku eedeeyay Dabageed iyo Sanbaloolshe in markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka waayeen wixii ay raadinayeen ay u dhaqaaqeen Beledweyne, si ay halkaas uga raadiyaan danahooda siyaasadeed, isaga oo sidoo kale ku baaqay in aan loo ogolaan inay dagaan xarunta gobolka.
“Qorshaha Dabageed iyo Sanbaloolshe waa wixii ay Xasan Sheekh ka wayeen ayey B/weyne ka soo raadiyeen. Ujeedo kale ma laha ee yaan laga aqbalin iney xaunta gobolka dhax dagaan. Waxaad moodaa inuu Dabaged rabo inuu Cali Madaxweyne isku dilo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee HirShabelle.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Cali Madaxweyne waxgaradkiisa waxaan kula talinayaa iney Dabageed ka saaraan xarunta gobolka. Beledweyne waa weyn tahay ee meeshii kale oo uu rabo ha ka dago laakin xarunta waa maya”.
Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ujeeddada siyaasiyiintan ay tahay inay fowdo ka abuuraan Beledweyne, isla markaana ay fursad siyaasadeed ka dhex raadinayaan shacabka Hiiraan oo uu sheegay inay horay u dayaceen.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in siyaasiyiinta ay doonayaan in gobolka ay ka abuuraan xaalad qalqal iyo khilaaf ah, si ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu muujiyaan inay weli awood ku leeyihiin gobolka Hiiraan.
“Dabageed madaxweyne ku xigeenkii ayuu soo waayay ee yuusan idiin seex-seexan. Halka uu Sanbaloolshe Xasan Sheekh u diiday inuu Hirshabelle madaxweyne ka noqdo. Labadooda markey caariyeen wexey u soo jeesteen iney gobolka fowdo ka kiciyaan si ay Xasan Sheekh u tusaan iney labadooda heystaan Hiiraan. Yaan la aqbalin owr kacsiga nimanka ilma adeerka ah ee isku ujeedadana ah. Labadooda wexey sameeyeen shan sano ee la soo dhaafay waad ogtihiin haddana shan sano kale ayey rabaan iney madaxa idinka fuulaan,” ayuu mar kale yiri Cali Cosoble.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli beesha Xawaadle ay muddooyinkii dambe dooneysay inay hesho xilka ugu sarreeya ee HirShabelle, waxayna haatan si adag u diidan tahay go’aanka uu xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu musharaxa u siiyay Cali Guudlaawe oo haatan hoggaamiya maamulka.
The post Cali Cosoble oo ka digay qorshe ay damacsan yihiin Dabageed iyo Sanabloolshe appeared first on Caasimada Online .
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- Cali Cabdullahi Cosoble has issued a warning regarding the activities of Yuusuf Dabageed and Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) in Beledweyne.
Key claims
- Cali Cabdullahi Cosoble has warned about plans by Yuusuf Dabageed and Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) in Beledweyne.
- Cosoble accuses Dabageed and Sanbaloolshe of seeking political interests in Beledweyne after failing to achieve their goals with President Xasan Sheekh Maxamuud.
- Cosoble calls for preventing Dabageed and Sanbaloolshe from settling in the regional capital.
- The article mentions that the Xawaadle clan has been seeking a high position in HirShabelle and opposes the decision to nominate Cali Guudlaawe.
Source limitations
- The article primarily reflects the views of Cali Cabdullahi Cosoble without independent verification.
- No response from Yuusuf Dabageed or Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) is included in the article.
- The article does not provide independent confirmation of the claims made.
Reader takeaway
Cali Cabdullahi Cosoble's warnings highlight potential political tensions in Beledweyne involving key figures in HirShabelle.
What remains unclear
- What specific actions are being planned by Dabageed and Sanbaloolshe?
- How does the Xawaadle clan plan to respond to the political situation?
- What are the implications of Cosoble's warnings for the political landscape in HirShabelle?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · digay · dabageed · cosoble
Keep reading
- Dabageed oo diiday inuu la shaqeeyo Cali Guudlaawe haddii uu mar kale noqdo madaxweynaha Hirshabeelle
Hiiraanweyn
- Hirshabeelle: Himilo, Hoggaan iyo Horumar — Fursadda Cusub ee Madaxweyne Cali Guudlaawe
Goobjoog Somali
- Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Siyaasadda Beesha Xawaadle.
Hiiraanweyn