Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Carruur Soomaaliyeed oo u geeriyootay Hilib ay ku sumoobeen
Muqdisho (WDN) — Qoys Soomaaliyeed ayaa waxaa soo wajahday musiibo murugo leh kaddib markii lagu sheegay inay ku sumoobeen hilib iyo dhuux geel oo laga keenay magaaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, taas oo sababtay geerida laba carruur ah, halka saddex kalena ay hadda ku jiraan isbitaalka. Qoyska ayaa Khamiistii u soo qaaday caruurta Muqdisho kadib... The post Carruur Soomaaliyeed oo u geeriyo

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (WDN) — Qoys Soomaaliyeed ayaa waxaa soo wajahday musiibo murugo leh kaddib markii lagu sheegay inay ku sumoobeen hilib iyo dhuux geel oo laga keenay magaaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, taas oo sababtay geerida laba carruur ah, halka saddex kalena ay hadda ku jiraan isbitaalka.
Qoyska ayaa Khamiistii u soo qaaday caruurta Muqdisho kadib markii ay ku sumoobeen cuntada. Sida xogta WardheerNews ay heshay, laba ka mid ah qoyska ayaa geeriyooday, iyada oo midkood uu ku dhintay Ceeldheer ka hor inta aan Muqdisho loo soo gudbin.
Saddexda carruur ah ee hadda lagu daweynayo Isbitaalka Dr. Dufle ee Muqdisho. Aabbahood, Xirsi Cusmaan Cumar, ayaa sheegay in qoysku ku noolaa tuulo ku dhow Ceeldheer, isla markaana carruurtiisu ay xanuunsadeen kaddib markii ay cuneen hilib iyo dhuux geel oo muddo meel yaallay.
Markii xaaladdoodu kasii dartay, ayuu sheegay in qoyska loo sheegay in aan Ceeldheer laga heli karin daryeel caafimaad oo ku filan, sidaas darteedna Muqdisho loo qaado. Saddexda carruurta ah ayaa ugu dambeyn la geeyay Isbitaalka Dr. Dufle, halkaas oo xaaladdooda si dhow loola socdo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Wardheer News
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.