Cawil Sheekh Xaamid oo dhaliilay dooda shirka Garowe
Wasiirkii hore ee Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa dhaliilay dooda shirka ka socdo magaalada Garoowe ee looga hadlayo dowlad-dhiska Soomaaliya.… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Wasiirkii hore ee Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa dhaliilay dooda shirka ka socdo magaalada Garoowe ee looga hadlayo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dooda PDRC soo qabanqaabisay ay tahay mid ku salaysan kooxaysi iyo garabyo iska soo horjeeda oo isu jawaabaya, islamarkaana aysan ahayn dood xal raadis ah oo taabanaysa dowlad-dhiska Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in doodu aysan soo bandhigin qancin dadweyne iyo mid dhegaystayaaalba, balse ahayd mid qabiil ahaan iyo siyaasad ahaan loogu kala safan yahay, siina xoojisay kala qaybsanaantii hore u jirtay.
“Mid Majeerteen, Habar Gidir iyo Isaaq eedeeya, Digil iyo Miriflena xalay dhalay ka dhiga. Mid Habar Gidir u dooda oo yiraahda dowlad bay dhistaa ee dagaal masamayso, caasimaddana lagama hadli karo” ayuu ku tilmaamay dooda shirka Garowe.
“Doodu waxay ahayd fadhi ku-dirir, khusacbalaat iyo waqti lumis oo aan laga fiirsan cidda ka qayb qaadanysa” ayuu yiri wasiir hore Cawil Sheekh Xaamid.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · shirka · dhaliilay · sheekh