Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Dagaal Xoogan oo ka Socda Muqdisho iyo Barakac xoogan oo ka bilwday magaalada

MUGADISHO, SOOMAALIYA — Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda dagaal xooggan oo geystay khasaare baaxad leh, kaas oo bilowday gelinkii dambe ee shalay, soona gaaray maanta. Dagaalkan ayaa si weyn uga soconaya degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, iskahorimaadka ayaa hadda ku sii fidaya xaafado ka tirsan […]

SO
Sawir war oo la xiriira Dagaal Xoogan oo ka Socda Muqdisho iyo Barakac xoogan oo ka bilwday magaalada
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Akhris kooban

Macnaha qormada

Maxaa dhacay

  • Maqaalku wuxuu sheegayaa in dagaal xoogan uu ka socdo Muqdisho, Soomaaliya, kaas oo bilowday shalay iyo khasaare baaxad leh oo ka dhashay. Dagaalku wuxuu si weyn uga soconayaa degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Qodobada muhiimka ah

  • Dagaalku wuxuu sababay khasaare badan iyo barakac boqolaal ah oo dad ah.
  • Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay adeegsanayaan hub noocyo kala duwan ah.
  • Dagaalku wuxuu carqaladeeyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo inta badan ganacsiga, oo ay ku jirto Dekedda Weyn, xiran yihiin.
  • Dagaalku wuxuu ku fidaya xaafado ay ku sugan yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale.

Xaddidaadda isha

  • Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaare ama baaxadda dagaalka.
  • Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada ku lugta leh dagaalka.
  • Faahfaahinta ku saabsan sababaha gaarka ah ee dagaalka ma jiraan.

Gunaanadka akhristaha

Dagaalka socda ee Muqdisho wuxuu sababayaa dhibaatooyin bini'aadantinimo oo weyn, oo ay ku jiraan barakac iyo carqaladeyn nololeed.

Waxa weli aan caddayn

  • Maxay yihiin sababaha aasaasiga ah ee dagaalka?
  • Immisa khasaare ayaa la xaqiijiyay?
  • Maxaa la sameynayaa si loo caawiyo dadka barakacay?

Sababta ay muhiim u tahay

Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

MUGADISHO, SOOMAALIYA — Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda dagaal xooggan oo geystay khasaare baaxad leh, kaas oo bilowday gelinkii dambe ee shalay, soona gaaray maanta. Dagaalkan ayaa si weyn uga soconaya degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, iskahorimaadka ayaa hadda ku sii fidaya xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag, gaar ahaan aagga ay ku suganyihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale oo uu horkacayo Ugaaska Guud ee beesha Murusade. Ciidamada dowladda ayaa la soo sheegayaa inay dagaalka u adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo tan iyo saakayna ay socoto daadgureynta dadka ku dhaawacmay colaadda.

Saameynta ka dhalatay dagaalkan ayaa ku khasabtay boqolaal shacab ah inay ka barakacaan guryahooda, maadaama laga cabsi qabo inuu dagaalku sii daba-dheeraado marka loo eego ciidamada gurmadka ah ee u kala imaanaya dhinacyada is haya. Sidoo kale, waxaa gabi ahaanba istaagay isku-socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana xiran inta badan goobaha ganacsiga oo ay ku jirto Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldagaalmuqdishosocda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.