Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Danjiraha Soomaaliya oo shir-guddoomiyay kulanka Danjirayaasha Afrika ee Qaahira
Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka caadiga ah ee Kooxda Danjirayaasha Dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Qaahira. Shirka oo ay ka qaybgaleen danjireyaal iyo wakiillo ka socday dalal badan oo Afrikaan ah […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka caadiga ah ee Kooxda Danjirayaasha Dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Qaahira.
Shirka oo ay ka qaybgaleen danjireyaal iyo wakiillo ka socday dalal badan oo Afrikaan ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga qaaradda, dib u eegista waxqabadkii kooxda, qorshayaasha iyo mudnaanta wadajirka ah ee xilliga soo socda, iyo horumarinta wada-shaqeynta diblomaasiyadeed ee dalalka Afrika.
Danjire Cali Cabdi Awaare oo furay shirka ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay Soomaaliya inay guddoomiso kulankan, isagoo xusay doorka taariikhiga ah ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta midnimada Afrika iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka dalalka qaaradda.
Safiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameynayso dhinacyada nabadda, dib u dhiska hay’adaha dowladda, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka dibadda, isagoo tilmaamay in dadaalladaasi ay qeyb ka yihiin hirgelinta Hiigsiga Qaranka 2060 (Vision 2060).
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.