DF oo ballan-qaad u sameysay ardaydii kaalmaha hore ka galay tartankii Qatar
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo Tallaabadii xafiiskiisa ku qaabilay saddexda ardey ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar ayaa u sameeyay ballan-qaad culus.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo Tallaabadii xafiiskiisa ku qaabilay saddexda ardey ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar ayaa u sameeyay ballan-qaad culus.
Tartankan oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aad halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud uu galay kaalinta 3aad, waxaana ka qeybgalkooda fududeysay Hay’adda Qatar Charity.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradan dadaalkooda iyo sida ay Qur’aanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qur’aanka Kariimka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu dhiirri galineyso barashada Qur’aanka Kariimka waxaana uu u ballan-qaaday ardeyda in dowladdu siineyso waxbarasho lacag la’aan ah sidii ay u siisay ardeydii kaalimaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ah.
“Waan idinku faaneynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda, in Tartan dowli ah aad ka gasheen kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad waa arrin wanaagsan oo sharaf iyo Karaamo u ah Bulshada Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada waxaan fari doonaa in Waxbarasho bilaash ah ay idin siiso,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.
Si kastaba ha’ahaatee, Ballan-qaadkan ayaa ah mid lagu dhiirrigelinayo ardayda Soomaaliyeed ee dadaalka geliya barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka, gaar ahaan kuwa dalka ku metela tartamada caalamiga ah.
Saddexda arday ayaa guushan ku soo kordhiyay sumcad iyo sharaf ay ku faani karaan bulshada Soomaaliyeed, kaddib markii ay kaalimaha hore ka galeen tartan ay ka qeybgaleen arday badan oo ka kala socday dalal kala duwan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto dhiirrigelinta ardayda Soomaaliyeed ee guulaha ka gaara tartamada iyo imtixaannada heer qaran iyo heer caalami.
The post DF oo ballan-qaad u sameysay ardaydii kaalmaha hore ka galay tartankii Qatar appeared first on Caasimada Online .
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- The Prime Minister of Somalia made a significant promise to three students who ranked highly in a Quran competition held in Qatar.
Key claims
- The Prime Minister of Somalia, Hamza Abdi Barre, made a significant promise to three students who ranked highly in the Quran competition held in Qatar.
- The competition included 398 students from 20 countries, with the top three being Qaari Abdiqani Abdulqadir Sheikh Hussein, Qaari Abdirahman Qasim Mohamed, and Qaari Abdirahman Ahmed Mahmoud.
- The Prime Minister praised the students for their efforts in memorizing the Quran and encouraged them to teach it to others.
- The government promised to provide free education to the students as it did for those who excelled in the national exams.
Source limitations
- The article does not include responses from the students or other stakeholders.
- Claims about the competition's details rely solely on the article's reporting.
- No independent verification of the students' achievements is provided.
Reader takeaway
The Prime Minister's commitment to supporting students excelling in Quran studies reflects a governmental effort to promote religious education in Somalia.
What remains unclear
- What specific form of free education will be provided to the students?
- How will the government support the promotion of Quran education in Somalia?
- What impact will this promise have on the students' future opportunities?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · qatar · galay · qaad
Keep reading
Live story thread
Open live story- Dowladda Soomaaliya oo Bixinaysa Waxbarashada Tacliinta Sare ee Saddexda Arday ee Ku Guuleystay Tartanka Qur’aanka
Goobjoog Somali
- Mareykanka oo dib u cusbooneysiiyay $5 milyan oo abaalmarin ah oo lagu raadinayo Khadra Ciise
Shabelle Media
- Mareykanka oo $5 Milyan Abaalmarin ah Dul Dhigay Xogta Haweeney Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay inay ka tirsantahay Daacish
Goobjoog Somali