Fiqi oo digniin u diray mucaaradka
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa uga digay siyaasiyiinta mucaaradka in ay abaabul ciidan iyo falal wax u dhimaya amniga Muqdisho.
Fiqi ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo gacanteeda u taagta waxyeelleynta amniga Muqdisho, isagoo si gaar ah uga digay in siyaasiyiinta mucaaradka ay abaabulaan maleeshiyaad.
“Nimanka mucaaradka ah haddii ay abaabulaan maleeshiyaad, gacan bir ah ha lagu qabto” ayuu yiri Fiqi.
Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in amniga uu yahay arrin qiimo weyn leh, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay ku bixisay naf iyo dhaqaale badan sidii loo sugi lahaa.
“Amniga oo walaal qaali ah ku weynay ayaa 4 milyan oo lacag ah oo fudud lagu soo qadanayaa. Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanta u soo taagta in ay amniga dhibaatayso” ayuu yiri wasiirka Fiqi.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · fiqi · mucaaradka · digniin
Keep reading
Live story thread
Open live story