Wasiirka Gaashaandhigga oo digniin culus u diray hoggaanka mucaaradka
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa digniin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ka digay in magaalada Muqdisho laga abaabulo maleeshiyaad ama tallaabooyin wax u dhimaya amniga.
Isagoo ka hadlayay xaaladda amniga Muqdisho, Fiqi wuxuu sheegay in dowladda aysan u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato amniga caasimadda, gaar ahaan haddii arrintaasi la xiriirto abaabul ciidan.
Wasiirka ayaa si gaar ah farriin ugu diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono haddii ay bilaabaan abaabul ciidan, xilli meel xasaasi ah ay mareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.
“Nimanka mucaaradka ah haddii ay abaabulaan maleeshiyaad, gacan bir ah ha lagu qabto,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Digniinta wasiirka ayaa kusoo aadeysa xilli amniga Muqdisho uu kamid yahay arrimaha ugu waaweyn ee Dowadda Federaalka ay mudnaanta siiso, iyadoo Fiqi uu sheegay in amniga lagu bixiyay naf iyo dhaqaale badan.
Wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay khasaare badan u soo mareen sugidda amniga, sidaas darteedna aan cidna laga oggolaan karin isku daydo inay dib u dhaawacdo xaaladda amni ee magaalada.
“Amniga oo walaal qaali ah ku weynay ayaa 4 milyan oo lacag ah oo fudud lagu soo qadanayaa. Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanta u soo taagta in ay amniga dhibaatayso,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Hadallada Fiqi ayaa muujinaya mowqifka dowladda ee ku aaddan abaabul kasta oo ciidan oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo uu carrabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo waxyeello u geysan karta amniga caasimadda.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · culus · mucaaradka · gaashaandhigga
Keep reading
Live story thread
Open live story