Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka
Muqdisho, 23 Sebtembar 2026 — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 18-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 23 Sebtembar 2026 — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 18-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka, waxaana oggolaaday 140 xildhibaan, iyadoo uusan jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Golaha Shacabka ku ansixiyey hindise sharciyeedka.
Sidoo kale, Golaha ayaa Akhrinta Saddexaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, iyadoo warbixinta hindisaha uu Golaha ka hor akhriyey Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu qeybiyey Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 30 ee 20-kii Abriil 2012, kaas oo loo gudbiyay marxaladda xigta ee hannaanka sharci-dejinta.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · shacabka · golaha · ansixiyey