Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha
Baydhabo, 24 Sebteembar 2026 – Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ku ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha. Kulanka…
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo, 24 Sebteembar 2026 – Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ku ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay arrimo la xiriira horumarinta maamulka, adeegyada bulshada, cadaaladda, amniga iyo xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Xeer-Nidaamiyaha Ujuurrada Maxkamadaha waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo ujeeddadiisu tahay in lagu nidaamiyo ujuurrada adeegyada maxkamadaha, isla markaana qayb ka noqdo dadaallada lagu horumarinayo hannaanka cadaaladda iyo adeegyada loo fidiyo bulshada.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay sharraxaadda wax-ka-beddelka Sharciga Dowladaha Hoose oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wax-ka-beddelka ayaa lagu sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta dowlad-daadejinta iyo horumarinta maamulka heer degmo.
Dhinaca kale, Golaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga, xaaladaha bini’aadantinimo iyo u-diyaargarowga saameynta la filayo ee El Niño.
Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada amniga, lana sameeyo diyaar-garow ku filan oo looga hortagayo saameynta roobabka iyo fatahaadaha, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo gurmadka iyo adeegyada bini’aadantinimo ee bulshada.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, lana dardargeliyo howlaha adeegga bulshada iyo hirgelinta qorshayaasha la xiriira amniga, dowlad-daadejinta, cadaaladda iyo horumarinta bulshada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · nidaamiyaha · xeer · maxkamadaha