Guddiga xuquuqul insaanka oo ku baaqay in caddaalad loo helo Ikhlaas lagu dilay Baydhabo
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo, Soomaaliya – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo Ikhlaas, oo ahayd gabar shan jir ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Guddigu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si buuxda loo baaro dilka Ikhlaas, lana xaqiijiyo in cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falka loo maro waddooyinka caddaaladda.
GMXIQ ayaa sidoo kale ku baaqay in qoyska gabadha loo xaqiijiyo caddaalad iyo isla-xisaabtan, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo ka hortagga falalka noocan oo kale ah.
Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ay khuseyso ay si hufan uga shaqeeyaan kiiska, si loo ogaado xaqiiqooyinka ku xeeran dilka iyo cidda mas’uulka ka ah. Dilka Ikhlaas ayaa walaac ka dhex abuuray bulshada Baydhabo, iyadoo baaqa GMXIQ uu kusoo aadayo xilli doodda ku saabsan amniga carruurta iyo isla-xisaabtanka dadka geysta dambiyada ay sii xoogeysaneyso.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · baydhabo · baaqay · xuquuqul
Keep reading
Live story thread
Open live story- Gabar 5 jir ah oo si xun loo dilay oo meydkeeda laga helay xarun Caafimaad
Raxanreeb Online
- The Defense Committee of the House of Representatives Calls on the Minister of Defense and the Commander of the National Army
Goobjoog Somali
- Fiqi takes action after pressure from Parliament + Photos
Caasimada Online