Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sannad-guurada Aasaaska Shiinaha
MUQDISHO – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 77-aad ee Aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
MUQDISHO – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 77-aad ee Aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku dhisan iskaashi, walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dano wadaag.
Wuxuu xusay taariikhda dheer ee xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, isaga oo tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu leeyahay saldhig taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray, isla markaana uu sii xoogeysanayo. Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo danaha wadajirka ah, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo ay labada shacab ka wada faa’iideystaan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · aasaaska · sannad · qaybgalay
Keep reading
Live story thread
Open live story