Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojiya xiriirkooda dhaqaale iyo maalgashi
Soomaaliya ayaa sheegtay inay doonayso in la ballaariyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee kala dhexeeya Shiinaha, iyadoo labada dal ay doonayaan inay ka faa’iidaystaan xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi horumarineed oo soo jiray muddo dheer.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Soomaaliya ayaa sheegtay inay doonayso in la ballaariyo iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee kala dhexeeya Shiinaha, iyadoo labada dal ay doonayaan inay ka faa’iidaystaan xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi horumarineed oo soo jiray muddo dheer.
Arrintan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi , xilli lagu xusayay sannad-guuradii 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinuhu ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo dano wadaag ah, isaga oo uga mahadceliyey Beijing taageerada ay Soomaaliya si joogto ah u siiso.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa xusay in xiriirka labada dal loo baahan yahay in laga sii ballaariyo dhinacyada dhaqanka iyo diblomaasiyadda, loona gudbiyo ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga , si iskaashigu u horseedo natiijooyin muuqda oo ay ka faa’iidaystaan labada dhinac.
Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa xiriir diblomaasiyadeed lahaa tan iyo 1960-kii , waxaana sannadihii dambe sii kordhay iskaashigooda dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha kale ee labada dal ay danaha ka leeyihiin.
Beijing ayaa sidoo kale si joogto ah u muujisa taageerada ay u hayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Dhinaca amniga iyo difaaca, xiriirka labada dal ayaa sidoo kale sii xoogaysanaya. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi , ayaa horaantii bishan magaalada Beijing kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha, Admiral Dong Jun , iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga difaaca iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqaynta labada dal.
Xoojinta xiriirka dhaqaale iyo maalgashi ayaa sidaas darteed kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay doonayso inay ballaariso fursadaha horumarineed iyo maalgashi, iyadoo Shiinuhu yahay mid ka mid ah dalalka muhiimka ah ee ay Soomaaliya la leedahay xiriir muddo dheer soo jiray.
Cabdi Xaashi ayaa carrabka ku adkeeyey in iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha uu noqdo mid ka gudba heshiisyo iyo xiriir diblomaasiyadeed, isla markaana loo beddelo mashaariic iyo natiijooyin la taaban karo oo wax ka tari kara nolosha iyo dhaqaalaha shacabka labada dal .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · shiinaha · maalgashi · dhaqaale
Keep reading
- Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sannad-guurada Aasaaska Shiinaha
Shabelle Media
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sannad-guurada Aasaaska Shiinaha
Shabelle Media
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Shabelle Media