Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Waddada Kalkaal ee degmada Kaxda
MUQDISHO – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Waddada Kalkaal ee degmada Kaxda, taasi oo ah tan ugu dheer dhanka dhererka waddooyinka uu hirgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana isku xirta degmada Kaxda iyo Afgooye. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. [

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
MUQDISHO – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Waddada Kalkaal ee degmada Kaxda, taasi oo ah tan ugu dheer dhanka dhererka waddooyinka uu hirgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana isku xirta degmada Kaxda iyo Afgooye.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo munaasabadda xarig-ka-jarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in waddooyinku yihiin laf-dhabarta horumarka bulshada.
“Dhismaha waddooyinku ma aha oo keliya horumar bilicda lagu soo celinayo, waa maalgashi lagu xaqiijinayo isku socodka bulshada, kobaca dhaqaalaha iyo mustaqbalka Caasimadda. Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an inuu shacabka gaarsiiyo adeegyo tayo leh iyo kaabayaal waara,” ayuu yiri Guddoomiye Dr. Muungaab.
Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in maamulku sii wadi doonno fulinta mashaariicda horumarineed ee lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, si kor loogu qaado bilicda Caasimadda, loona fududeeyo nolosha shacabka ku dhaqan caasimadda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.