Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Furay Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada. Madasha ayaa diiradda l

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya, xoojinta iskaashiga dowladda iyo hay’adaha gargaarka, dardargelinta gurmadka la gaarsiinayo bulshada nugul, iyo dejinta qorshayaal lagu wajahayo caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira dalka.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, hay’adaha samafalka iyo bah-wadaagta kale, si loo helo xalal waara oo lagu yareynayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha bini’aadannimo.
Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha ka qeyb galay madasha ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda dadaallada gargaarka, kor loogu qaadi lahaa u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah, loona hubin lahaa in gargaar hufan oo degdeg ah la gaarsiiyo bulshada ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee bini’aadannimo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.