Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed
-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dadaallada looga hortagayo falalka guracan ee Khawaarijta Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan shacabka. Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee deegaannada K

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dadaallada looga hortagayo falalka guracan ee Khawaarijta Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan shacabka.
Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga iyo sidii ciidamada ammaanka loogu diyaarin lahaa ka hortagga weerarrada iyo falalka argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka iyo goobaha muhiimka ah.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha amniga inay sii laba-jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka. Waxa uu sidoo kale bulshada ku boorriyey inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortagga falalka amni-darrada.
Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha hay’adaha amniga, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.