Ingiriiska Oo £5 Milyan Ku Taageeraya U-diyaargarowga Fatahaadaha Soomaaliya
Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday £5 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo lagu taageerayo u-diyaargarowga fatahaadaha la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan xilliga roobabka Deyrta. Taageerada ayaa la filayaa inay…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday £5 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo lagu taageerayo u-diyaargarowga fatahaadaha la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan xilliga roobabka Deyrta.
Taageerada ayaa la filayaa inay gaarto ilaa 600,000 oo qof oo ku nool deegaannada halista ugu jira fatahaadaha.
Dhaqaalahan ayaa lagu xoojin doonaa nidaamyada digniinta hore, daadgureynta qoysaska khatarta ku jira iyo sii wadidda adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka. Waxa kale oo lagu taageerayaa dadka ku nool ku dhowaad 100 xero oo barakacayaal ah iyo bulshooyinka ay fatahaaduhu go’doomin karaan.
Qorshaha ayaa mudnaan gaar ah siinaya Jowhar iyo Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinka sida joogtada ah u wajahaya fatahaadaha webiyada. Taageerada waxaa kale oo ka mid noqon doona adeegyo caafimaad oo guurguura, gargaar lacageed iyo tallaabooyin lagu ilaalinayo nolol-maalmeedka qoysaska ku nool goobaha nugul.
Lacagta waxaa loo qaybinayaa laba barnaamij oo hore uga shaqaynayey Soomaaliya. Barnaamijka Caafimaad Plus wuxuu helayaa £2.5 milyan si loo joogteeyo ilaa 71 xarumood oo caafimaad, halka RESTORE uu helayo £2.5 milyan oo lagu xoojinayo digniinta hore, daadgureynta ku-meel-gaarka ah iyo difaacyada fatahaadaha.
Caafimaad Plus waxaa hoggaaminaysa hay’adda Action Against Hunger, halka RESTORE ay fulinayaan FAO, IOM iyo World Vision.
Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in dhaqaaluhu qayb ka yahay Sanduuqa Dhibaatooyinka Bani’aadannimo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana uu ka tirsan yahay qorshe £15 milyan ah oo lagu taageerayo dalalka ugu nugul El Niño.
Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, Chris Pycroft, ayaa sheegay in tallaabooyinka hore ay badbaadin karaan nolosha, ilaalin karaan adeegyada aasaasiga ah, isla markaana yareyn karaan khasaaraha nololeed.
Maalgelintan ayaa lagu dhawaaqay 23-ka Sebteembar intii uu Muqdisho ka socday Madasha Bani’aadannimada Dalka, iyadoo la xusuustay in fatahaadihii El Niño ee 2023 ay saameeyeen 2.48 milyan oo qof, ayna barakiciyeen 1.2 milyan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · ingiriiska · diyaargarowga · fatahaadaha