Danjiraha Faransiiska oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi
Nairobi, Kenya – Danjiraha cusub ee Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Wadid Benaabou, ayaa booqasho ku yimid Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Nairobi.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Nairobi, Kenya – Danjiraha cusub ee Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Wadid Benaabou, ayaa booqasho ku yimid Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Nairobi.
Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo uu weheliyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaad, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Danjiraha Faransiiska xarunta Safaaradda. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Faransiiska.
Intii uu kulanku socday, labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Faransiiska, iyo shirka ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Yurub oo bisha Oktoobar lagu qaban doono magaalada Muqdisho. Sidoo kale, kulanka ayaa labada mas’uul u noqday fursad ay ku is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan horumarka Soomaaliya iyo doorka uu Faransiisku ka qaadan karo taageerada iyo horumarinta dalka.
Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda Faransiiska deyn-cafintii ay Soomaaliya ka taageertay, taas oo lagu sheegay in deyntii Soomaaliya ku lahayd Faransiiska ay ka badnayd 69 milyan oo doollar. Faransiiska ayaa sidoo kale kaalin ku leh taageerada ciidamada nabad-ilaalinta iyo ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · nairobi · safaaradda · soomaaliya
Keep reading
Live story thread
Open live story