Soomaaliya oo ansixisay qorshe $56 milyan ah oo loogu talagalay dhalinyarada
Muqdisho, 23 Sebteembar 2026 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay ansixinta Qorshaha Qaranka Dhalinyarada, Nabadda iyo Amniga 2026–2030, oo lagu qiyaasay kharash dhan $56 milyan. Qorshahan shanta sano ah ayaa…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 23 Sebteembar 2026 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay ansixinta Qorshaha Qaranka Dhalinyarada, Nabadda iyo Amniga 2026–2030, oo lagu qiyaasay kharash dhan $56 milyan.
Qorshahan shanta sano ah ayaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee arrimaha nabadda, amniga iyo horumarka dalka, iyadoo diiradda la saarayo dhowr arrimood oo muhiim ah.
Qorshuhu wuxuu mudnaan siinayaa ka-qaybgalka dhalinyarada ee siyaasadda iyo geeddi-socodka nabadda, ilaalinta iyo badbaadada dhalinyarada, abuurista fursado shaqo, ka-hortagga colaadaha iyo xoojinta adkaysiga dhalinyarada ee saameynta isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, waxaa qorshaha qayb ka ah xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, iyo dib-u-dhexgelinta dhalinyarada ay saameeyeen colaadaha iyo duruufaha kale ee bulshada.
Dowladdu waxay qorshahan u aragtaa hannaan lagu mideynayo dadaallada la xiriira dhalinyarada, nabadda iyo amniga, iyadoo dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso laga filayo inay qayb ka qaataan hirgelintiisa muddada u dhexeysa 2026 iyo 2030.
Qorshahan ayaa noqonaya mid ka mid ah qorshayaasha qaranka ee lagu doonayo in dhalinyarada Soomaaliyeed laga dhigo qayb firfircoon oo ka mid ah nabad-dhisidda, horumarinta iyo mustaqbalka dalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · dhalinyarada · milyan · soomaaliya