Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor oo xilkii ka qaaday Cumar Cabdirisaaq
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, Danjire Cabdiraxmaan Caynte ayaa Cumar Cabdirisaaq Xuseen ka qaaday xilka Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga.
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, Danjire Cabdiraxmaan Caynte ayaa Cumar Cabdirisaaq Xuseen ka qaaday xilka Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga.
Cumar Cabdirisaaq ayaa sidoo kale laga qaaday xubinnimadii Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga, sida lagu sheegay go’aanka kasoo baxay hoggaanka isbaheysiga.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Anshaxa ee Isbaheysiga uu sheegay in Cumar Cabdirisaaq lagu helay inuu ku xadgudbay xeerarka iyo anshaxa u degsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga.
Isbaheysiga ayaan si faahfaahsan u shaacin xeerarka iyo qodobbada anshax ee uu ku xadgudbay Cumar Cabdirisaaq Xuseen, kuwaas oo sababay in tallaabada laga qaado.
Go’aanka xil-ka-qaadista ayaa sidoo kale meesha ka saaray doorkii uu Cumar Cabdirisaaq ku lahaa Golaha Sare ee Siyaasadda, kadib markii laga qaaday xubinnimadii uu ku lahaa golahaasi.
Isbahaysiga Xisbiyada Haybad Qaran iyo Xaqsoor ayaa 23-ka Abriil 2026 ku dhawaaqay inay isku biireen, isla markaana ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed.
Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran ayaa markaas sheegay in loo aasaasay xoojinta caddaaladda dalka iyo dib u soo celinta haybadda iyo sharafta qaranka, iyadoo labada dhinac ay mideeyeen awooddooda siyaasadeed.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · qaran · qaaday · cumar
Keep reading
Live story thread
Open live story