Kumuu ahaa Sheekh Axmed bin Raashid Al Maktuum, ninka ay geeridiisu gilgishay imaaraadka ?
Sheekh Axmed bin Raashid Al Maktuum, oo ahaa walaalka ka yar ee Xaakimka Dubai, Sheekh Maxamed bin Raashid Al Maktuum, ayaa geeriyooday 21-kii Sebtembar 2026 isagoo 76 jir ah.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Sheekh Axmed bin Raashid Al Maktuum, oo ahaa walaalka ka yar ee Xaakimka Dubai, Sheekh Maxamed bin Raashid Al Maktuum, ayaa geeriyooday 21-kii Sebtembar 2026 isagoo 76 jir ah.
Geeridiisa kadib, Dubai waxay ku dhawaaqday 10 maalmood oo baroor-diiq rasmi ah , iyadoo calamada hoos loo dhigay muddadaas.
Sheekh Axmed wuxuu dhashay 12-kii Luulyo 1950 , magaalada Dubai, wuxuuna ahaa wiilka afraad iyo kan ugu yaraa ee Sheekh Raashid bin Saciid Al Maktuum, oo ahaa Xaakimkii hore ee Dubai.
wuxuu ka tirsanaa qoyska Al Maktuum ee talada Dubai hayay muddo dheer, wuxuuna ahaa walaalka ka yar ee Sheekh Maxamed bin Raashid Al Maktuum, oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, sidoo kalena ah Xaakimka Dubai.
Sheekh Axmed wuxuu waxbarashadiisa sare ku qaatay dhinaca militariga Royal Military Academy Sandhurst ee dalka Boqortooyada Midowday (UK).
Wuxuu ka qalin-jabiyay akadeemiyaddaas sanadkii 1975 , taas oo noqotay bilowga xirfaddiisa dheer ee ciidamada iyo amniga, ayadoo markii uu waxbarashada militariga soo dhammaystay, uu ku biiray Ciidamada Dhexe ee Dubai (Central Military Region/Command) , halkaas oo uu markii dambe ka noqday taliyaha.
Ilo rasmi ah oo ay ka mid tahay kooxda Al Wasl ayaa sheegaya in intii uu hoggaanka hayay xaruntaas ay noqotay mid ka mid ah saldhigyada milatari ee muhiimka ah ee Imaaraadka Carabta.
Xirfaddiisa dowladda waxay inta badan ku qotontay ciidamada iyo amniga, ayadoo Sheekh Axmed uu noqday taliyaha Ciidamada Dhexe ee Dubai , waxaana sidoo kale loo magacaabay ku-xigeenka Guddoomiyaha Booliska iyo Amniga Guud ee Dubai , xil uu kaga qayb qaatay hawlaha amniga iyo adeegyada dadweynaha ee emirate-ka.
Warbixinno ku saabsan taariikhdiisa ayaa sidoo kale tilmaamaya inuu qabtay xilal kale oo la xiriiray hay’adaha amniga iyo adeegyada guud, taas oo ka dhigtay inuu muddo dheer qayb ka ahaado qaab-dhismeedka amni ee Dubai.
Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale ku lug lahaa ganacsiga iyo maalgashiga, isagoo soo noqday Guddoomiyaha Kooxda A.R.M. Holding , sidoo kalena wuxuu xiriir la lahaa Dubai Real Estate Centre .
taariikhdiisa shaqo waxay ku baahsanayd saddex dhinac oo waaweyn: ciidamada iyo amniga, ganacsiga iyo hantida ma-guurtada ah, iyo ciyaaraha.
Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale muddo dheer ahaa madaxweynaha naadiga Al Wasl Sports Club ee Dubai, ayadoo Xiriirkiisa kooxdaasi uu soo bilowday xilli hore, waxaana lagu xusay inuu gacan ka geystay dhismaha maamulka kooxda markii ay weli ahayd Al Zamalek, oo la aasaasay 1960.
Sanadkii 1962 ayuu qayb ka ahaa dhismaha guddigii ugu horreeyay ee maamulka kooxda, waxaana uu guddoomiye ka ahaa ilaa 1974, iyadoo xiriirkiisa kooxda uu sii socday tobannaan sano.
Intii uu hoggaanka kooxda hayay, Al Wasl waxay ku guuleysatay horyaalka Imaaraadka xilli-ciyaareedkii 2006/07 , taas oo ka mid ahayd guulihii waaweynaa ee kooxda.
Mid ka mid ah meelaha uu si weyn ugu caan baxay wuxuu ahaa tartanka fardaha, ayadoo bilowgii sagaashamaadkii uu door weyn ka qaatay aasaaska Jebel Ali Racecourse, iyadoo goobta iyo garoonkeeda la dhisay 1990, halka tartamadii ugu horreeyay ay bilowdeen 1991.
Sidoo kale, wuxuu bilaabay Al Adiyat iyo Dubai Horse Racing Centre , kuwaas oo loogu talagalay horumarinta tartanka fardaha iyo nidaamyadiisa.
Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale door ku lahaa horumarinta ciyaaraha badda ee Dubai. Wuxuu ka mid ahaa dadkii ku lug lahaa aasaaska Dubai International Marine Club , wuxuuna noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee naadigaas sanadkii 1988 .
Sannadkii xigayna wuxuu qayb ka qaatay aasaaska Victory Team , oo noqotay koox caan ka noqotay tartamada doomaha xawaaraha sare leh.
Sheekh Axmed bin Raashid Al Maktuum wuxuu ku geeriyooday Dubai isagoo 76 jir ah, kadib muddo dheer oo uu ka soo shaqeeyay ciidamada, amniga, ganacsiga iyo ciyaaraha .
Maxkamadda imaaradda Dubai ayaa ku dhawaaqday 10 maalmood oo baroor-diiq rasmi ah, halka salaadda janaasada lagu qabtay Masjidka Weyn ee Za’abeel 22-kii Sebtembar 2026.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · sheekh · axmed · maktuum
Keep reading
- Muxuu Xasan Sheekh kusoo bandhigayaa shirka QM? + Sawirro
Caasimada Online
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM
Somali National TV
- Cawil Sheekh Xaamid oo dhaliilay dooda shirka Garowe
Puntland Post