Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ma Garoowe waxay noqonaysaa caasimadii ugu casrisan Puntland? Deni oo furay waddo cusub iyo barxad loogu magac daray geesi!
Deni oo wadada Wadnaha iyo barxadda Gen. Qalyare ka jaray xarigga Garoowe, 27 Juun 2026 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta galabta si rasmi ah uga jaray xarigga Wadada Wadnaha ee caasimadda Garoowe, oo si casri ah loo dhisay, iyo dhismaha casriga ah ee Barxada Garoowe, oo loogu magac daray AHUN Gen. […] The post Ma Garoowe waxay noqonaysaa caasimadi

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Deni oo wadada Wadnaha iyo barxadda Gen. Qalyare ka jaray xarigga
Garoowe, 27 Juun 2026 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta galabta si rasmi ah uga jaray xarigga Wadada Wadnaha ee caasimadda Garoowe, oo si casri ah loo dhisay, iyo dhismaha casriga ah ee Barxada Garoowe, oo loogu magac daray AHUN Gen. Qalyare, kaas oo ka mid ahaa saraakiishii ku shahiiday Howlgalka Calmiskaad.
Waddooyinkan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Puntland ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku-xirnaanta magaalooyinka. Wadada Wadnaha waxay si weyn u fududayn doontaa socodka dadweynaha iyo gaadiidka, iyadoo la filayo inay yareyso ciriiriga iyo wakhtiga safarka. Barxadda Gen. Qalyare, oo loogu talagalay inay noqoto goob lagu xuso shuhadada, waxay sidoo kale u adeegi doontaa xaflado iyo munaasabado bulsho.
“Waxaan muujineynaa muhiimadda ay leedahay horumarinta iyo hirgelinta waddooyinka casriga ah ee caasimadda, taas oo qayb ka ah qorshaha Dowladda ee horumarinta dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Waxaan ku bogaadinayaa maamulka degmada Garoowe iyo Mayorka caasimadda, Mudane Cabdulqaadir Geedi, shaqada wanaagsan ee ay qabteen.”
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.