Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed. Guddoomiyaha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siisay halka uu marayo dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga, waxqabadkii lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyo dadaallada lagu dhisayo hay’ad qaran

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed.
Guddoomiyaha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siisay halka uu marayo dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga, waxqabadkii lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyo dadaallada lagu dhisayo hay’ad qaran oo madax-bannaan, hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay caqabadaha horyaalla Guddiga, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, iyo sidii loo heli lahaa taageerada lagama maarmaanka u ah in Guddigu si madax-bannaan oo wax-ku-ool ah u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim ayaa adkeeyay muhiimadda ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, xoojinta isla-xisaabtanka iyo ku dhaqanka sharciga iyo dhismaha hay’ado qaran oo waara oo ilaaliya xuquuqda iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.