Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada…
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland, kuwaas oo maalmahan shir uga socday magalaadda caasimadda ah ee Garoowe.
Kulanka, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland, waxaa ka qaybgalay dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee lagu soo doortay hannaanka qof iyo codka ee tooska ah. Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta hannaanka maamul-daadejinta, xoojinta wada-shaqeynta dowladda Puntand iyo degmooyinka, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee loo hayo shacabka.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane, Cabdi Xirsi Cali qarjab iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Dr Carshe Maxamed Siciid.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Horseed Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · deni · puntland · qaatay
Keep reading
Live story thread
Open live story