Puntland oo qabatay ciidamo katirsan dowladda oo gaaraya 130 Askari
Gaalkacyo (Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay ciidamo iyo saraakiil la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Gaalkacyo (Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay ciidamo iyo saraakiil la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo Puntland ah, ciidamada la qabtay ayaa gaaraya ku dhowaad 130 askari iyo saraakiil, kuwaas oo la socday laba gaari oo milatari.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ka soo gudbeen dhanka Galmudug, waxaana la sheegay in loo waday deegaanka Xananbuure oo ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo la qorsheeyay in lagu geeyo xarun tababar ciidan.
Ciidamada Puntland ayaa labada gaari iyo dadkii saarnaa ku qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana sida la sheegay lagu sameynayaa baaritaanno la xiriira ujeeddada safarkooda iyo halka ay ku wajahnaayeen.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ciidamada iyo maamulka Galmudug.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · puntland · gaaraya · askari
Keep reading
Live story thread
Open live story