Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay Mareykanka + Ujeedka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shirka Golaha Guud ee QM oo berri ka furmaya New York, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shirka Golaha Guud ee QM oo berri ka furmaya New York, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shirka uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan baahida loo qabo taageero dheeraad ah oo ku aaddan xoojinta amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga hadli doono xaaladda uu dalka ku sugan yahay, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo taageerista ciidamada qalabka sida.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale doonaysa in madasha caalamiga ah lagu muujiyo xaaladaha bani’aadamnimo ee Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada iyo maalgashiga caalamiga ah ee dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay New York ka qayb-galaya kulamada doodaha ah iyo kuwa gaar-gaarka ah ee qabsoomaya, kuwaas oo uu la qaadan doono madaxda iyo saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay, dowladda Mareykanka iyo madaxda dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka.
Safarka Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo Dowladda Federaalka ay fursaddaas u adeegsanayso sidii ay caalamka ugu soo bandhigi lahayd arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya.
Xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale sare u qaadaysa muhiimadda safarka madaxweynaha, maadaama Muqdisho ay fursad u haysato inay si toos ah uga qeyb qaadato doodaha iyo go’aannada la xiriira arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.
Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka doonaysa in ka qeyb-galka shirka Golaha Guud uu noqdo fursad lagu xoojiyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo ajandayaasheeda amni, bani’aadamnimo iyo dhaqaale.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · xasan · sheekh · mareykanka
Keep reading
Live story thread
Open live story