Maxay ka wada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo saraakiisha ciidanka cirka Pakistan?
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socday ciidanka cirka dowladda Pakistan, kuwaas… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socday ciidanka cirka dowladda Pakistan, kuwaas oo uu hoggaaminayay taliyaha difaaca cirka, ahna taliye ku-xigeenka ciidanka cirka dalkaas, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka ayaa looga hadlay sare u qaadista iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidanka cirka, horumarinta tayada iyo tababarka ciidanka, iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo taliyaha ciidanka cirka Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wada qorshe lagu horumarinayo laguna dhisayo ciidanka cirka, si loo dardargeliyo howlaha taliska guud ee ciidanka xoogga, loona xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · pakistan · ciidanka · xasan
Keep reading
Live story thread
Open live story