Madaxweyne Xasan Shiikh “Lama sii aqbalikaro in Africa ay Matalaad la aan ku ahaato Qaramada Midoobay”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay xaaladda caalamka, isaga oo xusay caqabadaha ka dhashay colaadaha, loollanka…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Khamiis, 24 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay xaaladda caalamka, isaga oo xusay caqabadaha ka dhashay colaadaha, loollanka juqraafi-siyaasadeed, isbeddelka cimilada iyo hoos u dhaca iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha iyo horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhammeystirka dastuurka, dib u habeynta waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo hirgalinta doorashooyinka loo dhanyahay.
Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay dib loogu soo celiyo kalsoonida caalamka, lana xoojiyo nidaamka dhinacyada badan iyo fulinta go’aannada caalamiga ah, isaga oo carabka ku adkeeyay in aan la aqbalikarin in Qaaradda Afrika ay ka maqnaato fadhiyada lagu go’aaminayo masiirka ummadda dunida.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka reer Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi, dowladnimo iyo nolol ku dhisan nabad iyo amni, isaga oo ku baaqay in la helo xal waara oo caddaalad ah oo ku saleysan laba dowladood, lana dhiso Dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · qaramada · midoobay · xasan
Keep reading
Live story thread
Open live story