Xasan Sheekh iyo khudbadii uu ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhiga guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay xaaladda caalamka, isaga… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhiga guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay xaaladda caalamka, isaga oo xusay caqabadaha ka dhashay colaadaha, loollanka juqraafi-siyaasadeed, isbeddelka cimilada iyo hoos u dhaca iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay dib loogu soo celiyo kalsoonida caalamka, lana xoojiyo nidaamka dhinacyada badan iyo fulinta go’aannada caalamiga ah, isaga oo carabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in qaaradda Afrika ay ka maqnaato fadhiyada lagu go’aaminayo masiirka ummadda dunida.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka reer Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi, dowladnimo iyo nolol ku dhisan nabad iyo amni, isaga oo ku baaqay in la helo xal waara oo caddaalad ah oo ku saleysan laba dowladood, lana dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · sheekh · xasan · qaramada
Keep reading
Live story thread
Open live story